Athletic Bilbao ayaa 4:0 kaga aarsatay kooxda Barcelona

Kooxda Athletic Bilbao oo ay si weyn u xafiiltamayaa kooxda Barcelona ayaa 4:0 kaga badisay ciyaar ka mid ah koobka Super.

Kooxda Atheltic Bilbao oo martida loo ahaa ayaa waxa goolasha guusha u dhaliyey Arist Aduriz Zubeldia oo saddex gool dhaliyey oo isku xiga, halka goolka koowaad uu dhaliyey San Jose.

waa markii ugu horeysay ee 14 sanno gudaheed ah oo kooxda Barcelona laga dhaliyey afar gool laba kulan oo isku xiga.

Barcelona ayaa kulan garoonka Athletic Bilbao ceeb weyni ka soo raacday, waana natiijada ugu xumayd tan iyo kulankii ay Bayern Munich 4:0 ku dubatay Barcelona kulankaas oo ka tirsanaa Champions Leaque-ga.

Barcelona ayaa doonaysa kulanka danbe ee Athletic Bilbao martida ugu tahay garoonkeed Camp Nou oo laga doonayaa inay ku badiso natiijo ka badan 4:0.

Rajadda qaadista koobka Super ayey aad ugu adag tahay in Barcelona hantido.

 

bandhige@gmail.com