Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.10aad

Saxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodu wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, kii ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo darin.

Fahamo kala duwan oo laga soo saaray hab-adeegsiga xadiiskan ayaa culimo badani ku kala tageen. Culimada qaar waxa ay soo guuriyeen hadalkii taabicigii Suhri ee ahaa, “Gaalnimada laga hadlayaa maaha tii waynayd ee waa gaalnimo ka sokeysa gaalnimada weyn.”

Hadalkaa waxa ku tagay culimo badan oo hore iyo kuwo dambe.  Hase ahaatee culimada ganafka ku dhufatay hadalkaa ayaa iyaguna leh, “Xadiiska in laga fahmo qofka salaadda ka tagaa in uu gaal yahay waa fahamkii saxaabada iyo taabiciintii waaweynayd. Laakiin Imaam Suhri waa taabiciintii yaraa (oo wuxu ka mid ahaa taabiciinti dambe ee aan soo gaadhin saxaabadii waawaynayd badankooga) markaa fahamka lagu midaysan yahay aynu ku tagno.”

Aayado badan baa ku soo degay qiimaha qofka  salaadda oogaa u leeyahay Alle SWT iyo abaalcelinta uu ka helayo. Ugu horayn Alle SWT wuxu yidhi:

“Salaaddu mu’miniinta waxay u sugan tahay wakhti go’an.”

Maaha jaantaa rogan in aad ka dhigato oo xilligii aad adigu doonto uun aad tukato, se waa wakhti la jaan gooyey oogisteedu.

Rasuulka CSW oo bushaaro nololeed ku iftiminaya oogsiteedu na wuxu yidhi:

“Salaadaha shanta ah oo Jimce ilaa Jimce lagu gaadho waxa ay tirtiraan dambiyada yaryar haddii aan lagu darin dambi weyn.”

Xaqiiqdii iska daa in aad ajar kaliya ka heshide dambiyadii kale ee kaa dhacayeyna way masaxaysaa.

Salaadda oogisteeda marka aynu ka hadlayno waxa ay leedahay shuruudo, arkaan iyo waajibaadyo haddii mid ka mid ah aad ka tagto laga baqo qabo in salaaddaadu xagga Alle SWT u gudbi waydo. Rasuulka CSW wuxu yidhi:

”Qof lixdan sannadood tukanayey baa iman doona isaga oo aan hal salaad ah laga aqbalin.”

Waa yaab. Lixdan sannadoodna wuu tukaneyey salaad kali ahna lagama aqbalin waa maxay sababtu tolow? Inta aynu kor ku soo sheegnay uun buu khaldayey.

Sidoo kale Rasuulka CSW oo misaajidkiisi xagga dambe fadhiya ayaa nin soo tukaday salaamay, inta uu salaantii ka qaaday ayuu u raaciyey “tuko maad tukane,” ninkii inta uu degdeg u noqday ayuu haddana soo tukaday. Rasuulkuna CSW intii uun buu haddana ku celiyey. Mar saddexaadkii ayuu ku yidhi, “Rasuul Allow intaa in ka badan garan maaye maxaan sameeya?”

Ninkaasina intaa aynu kor ku soo sheegnay ee shuruud, arkaan iyo waajibyo ah ayuun buu  khaldayey. Markaa ansixidda salaaddada waxa kow ka ah in aad marka hore barato wixii salaaddaadu ansax ku noqonayso.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com