Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.12aad

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Boqor ka mid ahaa boqorradii ka talin jiray jasiiradda Carbeed ayaa soo diray nin ergay ah si uu uga soo xog bixiyo Nebigan la sheegayo in uu soo baxay. Dabadeed ninkii la soo diray ayaa markii uu ku noqday kii soo diray ka jawaab celiyey wixii uu soo arkay wuxuuna yidhi:

“Hoggaamiye kasta ciidankiisu way kohdaan laakiin ninkaa ‘Nebiga’ asxaabtiisu aad bay u jecel yihiin. Iska daa wax kale’e candhuuftiisu in ay dhulka ku dhacdo uma ogola.”

Raggii uu Rasuulku CSW soo saaray dhaqankaa mid la mid ah bay la hayeen. Cumer Ibnu Khaddaab xilligii uu talada Muslimiinta hayey waxa dhacday in sidoo kale boqor uu soo diray ergay xaggiisa ka socday si uu Cumar farriintiisa ugu gudbiyo. Ergaygii boqorka ayaa magaaladii Madiina soo gaadhay. Wuxuu is lahaa xarun madaxtooyo ayaad ka heli ninka ummadda Muslimiinta u taliya. Wuuse ka waayey magaaladii guri ka duwan kuwii kale ee magaalada ku yaallay. Markaas ayuu bilaabay in uu dadka waydiiyo halka uu Cumar joogo. Qof kastaa wuxu ku yidhaa, “Mar dhawayd halkan buu joogee meelahaa ka eeg,” illaa nin uu su’aalay uu ku yidhi waa kaa geedkaa hoos jiifa.

Ninkii markii uu arkay Cumer oo geed iska hoos jiifa ayuu yidhi ereyo dhaxal gal noqday:

“Caddaalad baad ku xukuntay, markaasaad nabad heshay, dabadeed iska seexatay”

Waa ta ay maanta garan la’yihiin madaxda Muslimiintu ee kharashka ku baxa ilaalintoodu ummadahooga wax tari lahayeen.

Dad-la-dhaqanka wanaagsan waxa ka mid ah qofka kuu shaqaynaya in aad dareensiiso in aad ixtiraam u hayso hadallada qalafsanna aad ka ilaaliso. Sidoo kale in aad qudhaadu ogsoonaato in dani ku ag keentay oo la isku kiin imtaxaamayo sidaa darteed aanad kula dhaqmin wax anshax xumo ah.

Rasuulku CSW isagoo hormoodkeeni ahaa ayaa habdhaqannadiisii sarreeyey waxa ka mid ahaa sida Anas Bin Maalik RC ka sugan in uu yidhi:

“Toban sannadood baan u shaqaynayey Rasuulka CSW, maalin kali ah wax aan sameeyey maxaad u samaysay ima uu odhan, wax aan samayn waayeyna maxaad u samayn wayday ima uu odhan.”

Inta u badan dadka wada shaqeeya waxa ay isku qabsadaan ee canaantu ka dhacdaa waa intaa. In aad dadka kula dhaqanto hab-dhaqan wanaagsani wuxu keenayaa in qudhaada laguula macaamilo hab san. Sidaa ajligeed buu Rasuulku CSW lahaa:

“Dadka ula dhaqan si wanaagsan.”

Dadku waa geed aad beerato oo kale. Kolba sida aad ku tahay ayay iyaguna kugu ahaanayaan.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com