Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.15aad

Fadliga cibaadada habeenkii
Ramadaan waa bil cibaaddo. Wax kasta oo san oo la sameeyo bishaa abaal-gudkeedu waa mid la labanlaabo dheeraadka bishani wadato awgeed. Sidoo kale waa bil khayr leh oo wixii xumaan wada albaabbada loo laabo.

Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday inuu yidhi:

“Marka ay Ramadaan soo gasho; albaabada jannada waa la wada furaa kuwa naartana waa la xidhaa, shadaadiintana waa la silsiladeeyaa.”

Markaa bishu waa bil sareedo oo ka tilmaaman bilaha kale. Sidaa darteed waxa lagu maamusaa in lala yimaaddo cibaado ka badan cibaadoyinka lala yimaaddo bilaha kale. Cibaadooyinkaa waxa ka mid ah in la istaago habeenimada Ramadaan lana oo lana oogo salaadaha la yidhaa Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan. In habeenimada Ramadaan la camiro salaadahaa waa mid Rasuulku CSW dhirigeliyey:

“Qofka kaca habeenka Ramadaan kaas oo la kaca iimaan iyo dambi-dhaaf, waxa la dhaafaa dambigiisii hore iyo kiisii dambe.”

Sida aad ku arkayso xadiiskaa waxa libintaa lagu gaadhayaa waa in aad u soo jeeddo habeenkii Alle dartii. Iska daa wax kalee Alle SWT isaga oo ka hadlaya qofka iska hurda habeenkii iyo ka isaga xusaya ee u taagan ayuu yidhi:

“Ka habeenkii u taagan xuska isagoo sujuudsan ama taagan, isagoo ka baqaya aakhiro, rajaynaya naxariista Rabbigii, ee miyey siman yihiin ka wax garanaya iyo ka aan waxba garanayn?”

Aayaddaasi si cad bay inoogu kala qeexday labada qof ee midna hurdo midna Allihii u taagan yahay in aanay isku abaal-celin lahayn.

Salaadaha habeenimada Ramadaan la tukado waxa markii ugu horreeyey sameeyey Rasuulka CSW. Sida ay Caa’iisha RC sheegtay Nebiga ayaa ku tukaday masaajidka, dhawr saxaabadiisa ah baa la tukaday, habeenkii labaad buu haddana ku tukaday dadkii baana soo batay, kadib habeenkii saddexaad markii uu arkay in masaajidkii laga soo buxsamay ayuu u soo bixi waayey, markii waagii baryeyna wuxuu ku yidhi:

“Waxa aan idiinku soo bixi waayey waxaan ka baqay in la idinku waajibiyo.”

Xadiiskaa waxa aynu ka faa’iidaynaa in salaaddani sunne tahay.  Haddii Rasuulku CSW uu joogtayn lahaana ay innagu noqon lahayd waajib.

Rasuulku CSW wuxu mid danteena ka shaqeeya oo aan dhib inala jeclayn. Waana sababta uu u soo bixi waayey habeenkaa. Xasuuso kolkii ninkii ku yidhi Rasuul Allow xajku sannad walba ma waajibbaa ee uu ka aamusay. Markii dambe waa kii lahaa:

“Haddii aan haa odhan lahaa waajib bay idinku noqon lahayd manaydaan karteen.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com