Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.17aad

Salaaddani dheeraadka hawl yari kuma ay helin. Qofku wuxu ka toosayaa hurdadiisi, wuxu u kacayaa oogis salaad aan lagu waajibin, laga yaabaa biyo qabow inuu ku waysaysanayo, haddana waxaas oo dhan uma jeedee oogista salaadda ayuu u jeedaa.

Sidoo kale qalbigiisa waxa ruxa aayaadka Alle SWT marka uu akhriyo, sida Alle SWT sheegay:

“Aayaadkayaga waxa rumeeyey kuwa marka Illaahay la xuso la dhaca sujuud, ee tasbiixsada, kuna mahadceliya Rabigood iyagoon is kibrinayn, dhinacooguna jiifka ka dheeraaday.”

Wuxu is tusinayaa hirarka fog ee Alle SWT bidhaamiyey in la helayo.

“Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday jannooyin, wabiyaal iyo degenaansho dhab ah oo Illaahay agtiisa laga helayo.”

Cagahaa bararaya, murqihiisa ayaa daalaya, cunihiisa qalalayana wuxu ku rabaa jannooyinkaa Alle, si uu taa u gaadho ayuu dhiniciisa habeenkii dhulka u diiday in yar mooye.

“Waxay ahayeen kuwo habeenki inyar un seexda.”

Sidaa waxa leh Alle. Waana ta dhabta ah ee lagu gaadhayo abaalgudka sare ee Alle SWT inoo sheegay.

Mar kasta oo aad ku jirto gudashada cibaado uu Alle SWT ku faray ogow in aad u dhaw dahay Alle SWT. Waxa Rasuulka ka sugan:

 “Addoonku wuxu Alle ugu dhaw yahay marka uu caabudayo.”

Waxa looga jeedaa marka uu sujuudsan yahay. Qofku halka uu mar walba uskaga ka ilaaliyaa waa wajigiisa. Uma ogola in wax yari ka gaadhaan. Sidoo kale haddii wax lagu soo tuuro markaaba wajiga ayuu qariyaa. Waxa uu u qarinayaana waa inaanu u ogolayn wax wajigiisa xumeeya.

Haddaba qofku marka uu cibaadaysanayo wuxu madixiisa u foorariyaa waliba dhulka u dhigaa waa Alle SWT dartii. Taasaa ah abaal weyn oo Alle SWT kuu ogsoon yahay. Adiguna waxa aad sharaf ku helaysaa kolba inta aad Alle SWT isku dhul dhigto.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com