Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.17aad

 

Salaaddani dheeraadkaa hawl yari kumay helin, qofkii wuxu ka toosaya hurdadiisi, wuxu u kacaya oogis salaad aan lagu waajibin, laga yaaba biyo qabow in uu ku waysaysanayo, haddana waxaas oo dhan uma jeedee oogista salaadda ayuu u jeeda, sida oo kale qalbigiisa waxa ruxa aayadka Alle SWT marka uu akhriyo, sida Alle SWT sheegay, “Aayadkayaga waxa rumeeyey,  kuwa marka Ilaahay la xuso la dhaca sujuud, ee tasbiixsada, kuna mahadceliya Rabigood iyagoon is kibrinayn, dhinacooguna jiifka ka dheeraaday.” Wuxu is tusinaya hirarka fog ee Alle SWT bidhaamiyey in la helayo, “Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday jannooyin, wabiyaal iyo degenaasho dhab ah oo Ilaahay agtiisa laga helayo.”

Cagahaa bararaya, murqihiisa daalaya, cunihiisa qalalayana wuxu ku rabaa jannooyinkaa Alle, si uu taa u gaadho ayuu dhiniciisa habeenkii dhulka u diiday in yar mooye, “Waxay ahayeen kuwo habeenki inyar un seexda.” Sidaa waxa leh Alle. Waana ta dhabta ah ee lagu gaadhayo abaal gudka sare ee Alle SWT inoo sheegay.

Mar kasta oo aad ku jirto gudashada cibaado uu Alle SWT ku faray ogow in aad u dhaw dahay Alle SWT, Rasuulka ka sugan, “Addoonku wuxu Alle ugu dhaw yahay markuu caabudayo.” Waxa looga jeedaa markuu sujuudsan yahay. Qofku halka uu mar walba uskaga ka ilaaliyaa waa wajigiisa, uma ogola in wax yari ka gaadhan, sida oo kale haddii wax lagu soo tuuro markaba wajiga ayuu qariyaa, waxa uu u qarinayaana waa inaanu u ogolayn wax wajiigisa xumeeya. Haddaba qofku marka uu cibaadaysanayo wuxu madixiisa u foorariya waliba dhulka u dhigaa waa Alle SWT dartii, taasa ah abaal weyn oo Alle SWT kuu ogsoon yahay, adiguna waxa aad sharaf ku helaysaa kolba inta aad Alle SWT isku dhul dhigto.

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515