Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.20aad

Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo?

  • Qofka soomani marka uu afurayo
  • Marka aad sujuudsan tahay
  • Fadhiga dambe ee salaadda ‘taxyaadka’
  • Eedaanka iyo aqiimka dhexdooda
  • Habeenka xilligiisa dambe
  • Maalinta Jimcaha salaadda casar ka dib (sida culimo badan ku tagsan yihiin).

Waxa jira caqabado diida in la aqbalo ducadaada sida Rasuulka CSW ka sugan:

“Hagaaji cuntadaada, ducadaada waa la aqbaliye.”

Xaaran cunistu waxa ay ka mid tahay arrimaha is hortaaga in la aqbalo baryadaada. Nin baa jiray Alle baryey isagoo la yimid saddex arrimood oo ducadiisa lagu aqbali lahaa; safar buu ahaa, Allena magacyadiisa ayuu ku baryayey, gacmahana kor buu u taagayey.

Saddexdaa arrimood ba waxay sababayeen in baryadiisa la aqbalo hase ahaatee waxa is hortaagay habdhaqankiisi nololeed. Rasuulkaana tilmaamay isaga oo leh:

“Wuxuu quudanayey xaraan, hugiisuna xaaraan buu ahaa, wuxu ku soo barbaarayna waa xaraan’e sidee looga aqbalaya baryadiisa?”

Xadiiskaa su’aal baa ku jirta inaga garaadkeena lagu waydiinayo ninka sidaa ah sida duco looga aqbalayo. Saddex arrin oo sababi lahaa in degdeg loogu aqbalo baryadiisa waxa ka hor istaagay inuu xaaran quute ahaa, markaa haddii aad baryadaada falcelinteeda waydo bal naftaada uun ku noqo.

Inta badan Rasuulku waxa uu ku ducaysan jiray sida Caa’isha sheegayso:

“Allahayow waad saamaxaad badan tahay cidda wax saamaxdana waad jeceshay ee na saamax.”

Waa baryo Rasuulku CSW ku ducaysan jiray, khaas ahaan tobanka dambe habeennada kala dhiman sida 21, 23, 25, 27, 29. Laakiinse waxa habboon in habeen kasta iyo mar kasta aad ku ducaysato. Ducaduna sideedaba mar walba waa ay furan tahay.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com