Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.21aad

 

Fadliga masaajidka

Marka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa sujuud, oo ah goobta lagu sujuudayo, waxana eraygaa looga soo dheegta inay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT, siduu Rasuulku CSW inoo sheegay, “Marka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.”

Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado, sida Rasuulka CSW ka sugan, “Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.” Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune maanay naga dhammaanayn? Hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa degenaan, taa soo u keenta inu ku soo noqnoqdo.

Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray in aad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taasood ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku ba sheegayey, “Kuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.”

Maalinta qiyaame waxa la soo dhaweeya cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beega, kulkedana Alle unbaa garan kara. Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweyey, kuwaa soo leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale, dadka tilmaamaha laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo, “Qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka.” Haa, xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilli salaadeed halka uu joogo iyo masaajidka u ku xidhan yahay.

Sida oo kale Rasuulku CSW wuxu yidhi isaga oo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajidda in ay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan, “Haku busharaystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddu inay maalinta qiyaame iftiin helayaan.”

Haddaad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow in u yahay qof horreeya, waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horreeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore inu yahay oo iimaan leh, sida Rasuulku CSW sheegay, “Haddaad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qiir imaan.” Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye, “Waxa camira masaajidda Alle kuwa Alle rumeeyey iyo maalinta qiyaame.”

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.20aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.19aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.18aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.16aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.13aad

 Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515