Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.22aad

Fadliga masaajidka (2)

Waxa laga warramaa maalinta qiyaame ee bacadka la taagan yahay sidoo kale cadceedda la soo dhaweeyo illaa qof kastaa uu is moodo in foodda ay u taagan tahay inuu jiro mid aan cadceeddaa iyo kulaylkaa laga cabanayo dareemin. Haa waa todobada maalintaa loo hadheeyey waxana ka mid ah qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka,  markaa waa ku adi.

Ganacsigu shaqo la qabto waa ta ugu mashquulka iyo halleelka badan, xilli gooni ahna aan lahayn se shaqo furan xilli walba ah, taas oo qofka inuu Alle SWT u cibaadaysto xilliyo badan ka mashqulis marar badana uu is arko uun iyada oo salaaddii ba laga soo baxay. Laakiinse waxa jira dad iyagu masaajiddana camira salaadahana ka adkaada, eeg aayadda Alle leeyahay:

“Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigoogu iyo iibkoogu ka mashqulin xuska Alle.”

Xoogaaga adduun ee lagu siiyey waa mid lagugu eegayo sida aad ku samayso, maalinta qiyaame na waxa lagu warsan doonaa xoolaha halkii aad ka keentay iyo halka aad ku bixisay. Wax kasta oo aad hor mariso oo xoolahaaga ahna iyadoo ka khayr badan baad heli sida uu Rasuulku CSW sheegay:

 “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri buu uga dhisa jannada.” Eeg abaalka degdega ah ee ku soo noqday durba. Adiga un baa wax is taraya hubaashi.

Xilligii Rasuulka CSW, iyo xilliyadii saxaabada, taabiciinta iyo intii ka dambaysay ba masaajidku wuxu ahaa goob shaqooyin badan lagu qabto. Wuxu ahaa xarunta looga taliyo ummadda muslimiinta ee ay ku oogaan salaadahooga. Sidoo kale wuxu ahaa xafiiskii Rasuulku CSW fadhiisan jiray ee uu wax ku maamuli jiray. Sidoo kale wuxu ahaa goob aqoon-korodhsi oo wax lagu baran jiray oo Rasuulka CSW wax lagaga baran jiray.

Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi ah oo albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ wayn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad-la-dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sidoo kale lagu soo saaro kii hoggaamin lahaa ummadda.

Wuxuna masaajidku ahaa hoygii jaamacadaha. Waayo inta jaamacadood ee hirgashay qaarkoodna illaa maanta shaqeeyaan waa kuwii asaaskoodu ahaa masaajidka sida Azharta Masar, jaamacadda Saytuuniya ee  Tuunis.

Maanta in lagu soo koobo uun salaadaha may ahayn. Waxay ahayd in la raaco dhaqankii wanaagsana ee laga dhaxlay Rasuulka CSW iyo intii raacday habdhaqankiisii. Hase ahaate markii maskaxada la iska soo guumaystay ee la iska soo itaal roonaaday ayaa sidaa la inoogu soo arrimiyey.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com