Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.23aad

Ictikaafka

Ictikaafku shareeco ahaan waa qofka oo ku negaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka CSW inuu sameeyey. Alle SWT wuxu yidhi isaga oo iftiiminaya ictikaafka:

“Ha la kulmina xaasaskiina idinka oo ku ictikaafsan masaajidka.”

Ictikaafku Rasuulkeena CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba:

“Waxaanu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil inay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.”

Sidoo kale Ictikaafku wuxu leeyahay axkaam, shuruud, adaab iyo wax jabiya. Markaa haddii aynu iska soo ururino waxa aynu ku soo koobi lahayn:

 Axkaamta ictikaafka

  • Waa sunne
  • Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee Ramadaan
  • Waajib ayuu noqonayaa haddii uu qofku ku  nadro

Shuruudaha ictikaafka

  • Niyadda in aad galiso in aad ictikaafayso. Tani waa lagama maarmaan waayo niyadda ayaa kala saaraysa in aad maasajidka iska fadhido iyo in aad ku ictikaafayso.
  • In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan sida in aad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm.

 Adaabta ictikaafka

  • In aad ku mashquusho Qur’aan-akhris, digri iyo duco badan
  • In aad iska ilaaliso hadalka badan
  • Xanta iyo isku dirka iyo maalayacniga waa in aad ka fogaataa
  • In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga kaa qaada sida “game”, ama “laptop” aad internet ku soo xidhato oo aad halkaa dadka kala sheekaysato wakhtigii cibaadadana kaa lumiya.

Waxa buriya ictikaafka

  • Galmada
  • Dhiiga caadada
  • Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan
  • Qofka  oo diinta ka baxa

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com