Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.23aad

 

Ictikaafka

Ictikaafku shareeco ahaan, waa qofka oo ku nagaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka CSW in uu sameeyey, Alle SWT wuxu yidhi isaga oo iftiminaya Ictikaafka, “Hala kulmina xaasaskiinna idinka oo ku ictikaafsan masaajidka.”

Ictikaafku Rasuulkeenna CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay ba, “Waxa asnnu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil in ay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo ictikaafaya.”

Sida oo kale Ictikaafku wuxu leeyahay Axkaam, Shuruud, Adaab iyo wax jabiya markaa haddaynu iska soo ururino waxa aynnu ku soo koobi lahayn:- 

Axkaamta ictikaafka

  • Waa sunne
  • Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan
  • Waajib ayuu noqonaya haddu qofku ku  nadro 

Shurudaha ictikaafka

  • Niyadda in aad galiso inaad ictikaafayso, waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta in aad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.
  • In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan sida in aad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm. 

Adaabta ictikaafka

  • In aad ku mashquusho Quraan akhris, digri iyo duco badan
  • In aad iska ilaaliso hadalka badan
  • Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga waa in aad ka fogaataa
  • In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama lapton aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.

Waxa buriya ictikaafka

  • Galmada
  • Dhiigga caadada
  • Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan
  • Qofka  oo diinta ka baxa

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Axkaamta Ramadaanta, Q.22aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.21aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.20aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.19aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.18aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.17aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.16aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.15aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.14aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.13aad

 Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.12aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.11aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.10aad

Axmkaamta Ramadaanta, Q.9aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.8aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.7aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.6aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.5aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.4aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.3aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.2aad

Axkaamta Ramadaanta, Q.1aad

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515