Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.24aad

Laylatul-Qadriga

Alle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan. Maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeelatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sidoo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u ku dhaco se habeen is gedgediya ah oo si halxidhalaysan loo baadhayo. Waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo sideetan sanno iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay.

 “Habeenka la wayneeyey ‘laylatul qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.”

Habeenkan waynidiisa waxa ka mid ah in uu yahay habeenkii la soo dejiyey Qur’aanka.

“Waxaanu soo dejinay ‘Qur’aanka’ habeen la wayneeyo.”

Mar kale Alle SWT isaga oo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi:

“Annaga ayaa ‘Qur’aanka’ soo dejinay habeen la waynneeyey, maxaad ka taqaan habeenka la wayneeyey, waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa soo daadagta malaa’igta iyo malagga ruuxda ‘Jibriil’, ogolaanshaha Rabbigood, waana habeen nabdoon ilaa waagu ka baryayo.”

Rasuulku CSW wuxu doonayey habeenkani habeenka uu dhaco in uu saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba saxaabi oo murmay darteed Rasuulki CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa:

“Waxase laga yaaba in ay sidaasi idiin khayr badan tahay.”

Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa in aynu ka baadhbaadhno habeennada la inoo asteeyey midkood in uu yahay.

“Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.”

Sidaa ajligeed habeen uun adigu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar in aad ka baadhbaadho.

Habeenkan waxa lagu wayneeysa waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo.

“Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisa dambe ba.”

Sidoo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku in aanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaana uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey iyo dameer baa dinaahiyey.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com