Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.28aad, Dhammaad

Maxaa xiga Ramadaanta?

Haa, Ramadaan baxday ee maxaynu ka faa’iidnay ee waxtar inoo leh, waxqabadyadii suubanaa ee aynu la iman jirnay halkaynu ku tuuraynaa, salaaddi badnayd, Qur’aan akhristii, duco iyo xuskii Alle mee?.

Ma ogtahay waxqabad la qabto ka ugu gobsan inuu yahay ka la joogteeyo, sida Rasuulkuba CSW sheegay:

“Camal la qabto waxa ugu khayr badan ka la joogteeyo haba yaraade.”

Sidaa darteed waa inaynaan noqon dad haan gunta ka daloosha dhaamiyey:

“Ha la nooc noqonina sida tii xadhiga ay soohdo gelinka hore, furfurta gelinka dambe.”

Se waxqabadkii wanaagsana ee aad Ramadaanta samayn jirtay haddaad halkaa kaga hadho habartaa unbaad la nooc noqon.

Waa su’aale waxqabadyada wanaagsan ee aad la sugto Ramadaanta miyaad hubta inaad Ramadaanta dambe aad gaadhi doontid? Haddaad leedahay ta dambe ayaan Qur’aanka badan akhrine, ma laguu sii sheegay in aad ta soo socotana aad gaadhi doontid?

Sidii aynu ugu dadaali lahayn waxqabadyadeena aynu ka soo baranay bishi barakada badnayd ayeynu dhawrkan tusaale u keeni doona inaynu la nimaadno:-

  • In aynu ilaalino oogista salaadaha sunnayaasha ah (Rawaatibta, salaadda habeenkii).
  • Qur’aanka inaynu jadwal maalinle ah u samaysano).
  • Sadaqada inaad ogaato bixinteeda.
  • La saaxiibida dadka ehlu khayrka ah.
  • Ku xidhnaanshaha masaajidka.
  • Inaad noqoto mid dadka wanaaga fara xumahana ka waaniya.
  • Inaad diinta barashadeeda wakhti u samaysatid.
  • Inaad soonka sunnaha ah ku dadaashid.

Qaybtani waaTaxanahinii ugu dambeeyey Axkaamta Ramadaanta.

Bahda Bandhige waxay Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub ugu ducaynayaan in uu Ilaahay ka abaal-mariyo wacdigii qiimaha lahaa ee  ka koobnaa 28ka qaybood ee uu dadweynaha halkan uga gudbinayey bisha Ramadaan.  Sidoo kale waxay Sheekh ugu ducaynayaan in uu cilmiga iyo cimrigaba Ilaahay u barakeeyo.