Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.6aad

Miyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?

Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka CSW “Ku xeel dheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.”

Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan in uu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan ba kuwo afka laga isticmaalay.

Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo oo afka, sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aanu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toona. Wuxu helayaa faleebo cunto iyo cabbis ba iskugu jirta oo siinaysa awood uu kaga maarmo, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo faleebo isagoo ku gudo-jira gudashada soonka.

Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebada dhiigga oo la yidhaah dhiig ayaa lagu shubayaa isago sooman. Maaha wax bannaan. Sidoo kale dheecaannada nafaqada ee ka kaxaynaya in uu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna.

Arrimahaa aynu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa inuu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashii su’aalahaasi waa kuwo qalbigiisa goojinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.

Biyaha taranka oo la iska keeno soonka ma jabiyaan?
Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa buraya soonkiisii waxana lagu leeyahay qallo maalinkaas ah. Haddiise si aan iska keenis ahayn ay qofka biyuhu uga yimaaddaan, tusaale adiga oo hurda oo aan is ogayn, soonkaagu maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii aad gacantaada isaga keento iyo haddii fara-ka-ciyaar aad xaaskaaga la samayso ay kaaga yimaaddaan labada jeerba soonkaagu wuu jabayaa.

Ma jiraan wax la isku khilaafsan yahay in ay soonka jabiyaan?

  • Haddii uu qof bixiyo dhiig isagoo sooman waa arrin laysku khilaafsan yahay oo culimada qaar waxa ay leeyihiin “Waxa daciifaya awooddisii isagoo marka hore ba iska daciif ahaa soonka dartii, sidaa ajligeed ma bannaana” culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen “Waa ay bannaan tahay haddii uu qofku karayo kamana jabinayso soonkiisa,” waana sida loo badan yahay.
  • Dadka xiiqda qaba naqaska ay afka ka qaatan soonka ma jabinayo sida loo badan yahay.
  • Qofka maalin Ramadaan istooba waxa loo badan yahay in aanu ka jabayn soonku.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com