Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.9aad

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Habdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynu soo sheegnay xishoodka. Xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi wuxu ku yidhi:

“Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah”

Inta ay naxeen saxaabadii ayay si degdeg ah ugu falceliyeen “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow.” Intaa markii ay yidhaahdeen buu haddana ku yidhi:

“Xifdiya madixiina iyo inta uu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.”

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay. Haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay  indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raali ka ahayn, dhegehaagu yaanay dhegaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye.

Sidoo kale badiya xusuusta geerida waxa looga jeedaa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayay geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayay naftu kaa bixi kartaa. Mar walba waa in aad diyaar u noqotaa geerida.

Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?
Erayga “salaad” luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu u adeegsataana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray inay sameeyaan.

Salaaddu waa tiirka labaad tiirarka islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isagoo ergaygiisii Muxammed CSW uu dunida sare la joogo.

Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda. Haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan. Haddiise ay salaaddu ka xumaato qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay, waxana sabab u ah camalkiisii oo xumaaday. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.

Salaaddu qofka ooga waxa ay u keentaa xasilooni iyo degenaan. Haddii uu markiisii hore ahaa mid qalafsani u dhashay waxa ay ka dhigta mid ka miirta dabeecaddiisii adkayd. Sidoo kale salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinimada. Alle SWT wuxu yidhi:

“Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.”

Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu salaadda u oogo ee dib ha isugu noqdo. muhimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaad sidoo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.

Salaaddu waa arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa. Ergeygii Alle waxa uu yidhi:

“Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.”

Xadiiskaasi waxa u si cad u qeexayaa dhanka lagu tirinayo qofka ka taga oogista salaadda.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com