Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad

Hordhac

Mahad Alle SWT ka dib waxa aynu si kooban uga hadli doonnaa axkaamta Xajka mar haddii lagu gudo jiro gudashadii Xajka si aynu ugu fududayno walaalaheenna gudanaya waajibkaa Alle SWT faray.

Xajku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka. Waa waajib in uu hal mar gaadho gurigaa Alle qofkii karayaa sida Alle SWT u sheegay:

“Alle wuxu ku leeyahay dadka Xajka gurigiisa, ruuxi kara.”

Haddii aynu macnayno erayga ‘Xaj’ af ahaan waxa uu noqonayaa ‘Qasdi’ aad wax u jeeddo. Shareeco ahaanna waxa ay dhacdaa in aad u qasdido in aad kacbada Alle SWT tagto.

Waxa loo soo daliishadaa aayadda Alle SWT ku leeyahay:

Ilaahay dadka waxa uu faray in ay ku soo xajaan gurigiisa ‘Kacbada’, qofkii karaa in uu tago.”

Xajku wuxuu ahaa xilliyadii hore halka Muslimiintu ku kala war qaadan jireen, sidoo kalena warbixinta waxqabadka sannadka lagu soo bandhigi jirey hoggaankii Muslimiinta ee xilliyadaa, isla-markaana uu badhasaabbadiisa ku talo siin jirey.

Xajku waxa uu yahay goob dadku Ilaahay SWT dartii ugu wada basaasayaan ama ugu daranyoobayaan, loona wada siman yahay; mid xoog leh, mid xoolo haysta iyo mid magac is bida ba. Kaliya waxa loo wada taagan yahay sidii loo gudan lahaa waajibkaa Alle SWT wada faray. Iyagoo meel wada seexanaya, meel wada joogsanaya.

Nabi Ibraahin CS iyo inankiisi Nabi Ismaaciil CS ayey ahaayeen ciddii ugu horraysay ee dhiskaa binaysa, sida Alle SWT Qur’aanka ku sheegay:

“Waxaanu kula ballanay Ibraahin iyo Ismaaciil in ay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo kuwa ictikaafaya.”

Sidoo kale waxa xusid mudan in kacbada ay ku soo duleen Xabashidii ka arriminaysay Yaman, iyada oo uu colkaa horjooge u ahaa Abraha ninkii lagu magacaabi jiray. Wakhtigaas oo ku beegnaa dhalashadii Nabi Maxamed CSW. Sidoo kale waxa xusid mudan in Alle SWT u soo diray shimbiro ka difaaca burburinta ninkaa iyo ciidankiisu ugu socdeen kacbada.

Waxa sidoo kale xusid mudan in dib u dhis lagu sameeyey kacbada xilligii Qurayshi deggenayd Maka. Waxa taariikhdu sheegtaa in ay yidhaahdeen:

“Lagu dhisi maayo xoolo la soo dhacay, iyo xoolo ay leedahay haweenay xun.”

Waa ta keentay in aan la gaadhsiin seeskii Nabi Ibraahin CS.

Sidoo kale waxa xusid mudan in ay Qurayshi ku heshiin wayday cidda dhagaxa madow dhigaysa kacbada. Waxa ay ku gar qaateen qofka ugu horreeya ee u soo gala taladiisa in ay ku dhaqaaqaan.

Alle SWT wuxu ka dhigay Nabi Maxamed CSW in uu isagu u soo galo, dabadeed gartii ayey u bandhigeen waxa aanu kula taliyey in dhagaxa go’ la dhex dhigo dabadeed jilib wal oo Quraysh ka mid ahi dhan ka qabsado sidaana lagu geliyo godka.

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com