Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.2aad

Nabigu isaga oo ka warramaya bisayl la’aanta Quraysh ee diinta waakii lahaa:

“Caa’ishaay haddii aanu tolkaa ku cusbayn diinta waxa aan kacbada gaadhsiin lahaa seeskii Nabi Ibraahin.”

Xilligii u Maka ka talinayey saxaabigii Cabdilaahi Bin Subayr Bin Cawaam RC ayuu helay xadiiskaa, dib ayuu u dhisay isagoo gaadhsiyey seeskii Nabi Ibraahin CS. Hase ahaatee, waakii dumiyey Xajaaj Binu Yuusuf isagoo dilay saxaabigaana.

Ka dib culimadii waxa ay ku tashatay in ay mushkilad noqonayso haddii kolna la dhiso kolna la dumiyo ee sidaa ay hadda tahay lagu daayo iyadoo dhis dambe loo samaynayn. Hadda ma gaadhsiisana seeskii uu dhigay Nabi Ibraahin CS.

Waxa sidoo kale iyaduna xusid mudan in Nabi Maxamed CSW ka hor soo saaristiisi uu ku cibaadaysan jirey kacbada.

Waxa iyadna xusid mudan in dhagaxa madow ee kacbada yaal ay koox diimeedka Shiicada garabkeeda Raafidadu labaatan sannadood kala maqnayeen kacbada.

Waxa jirtay xilli tagista kacbadu ay Muslimiinta dhib ku ahayd, sababo ammaan awgeed, Qofku ka fikiri jiray armaa lagu dilaa iyo armaa lagu dhacaa.

Waxa dhici jirtay sidoo kale in qofka tagaa aanu ku soo noqon jirin deegaanku ka tagay mar dambe ee uu gacankaa ama dhulalka u dhow iska degi jiray. Waxa tusaale inoogu filan Sayid Qudbi.

Sayid Qudbi AHN, awowgii Faqiir Cabdullah ayaa u yimi Xaj balse uu deegaan ka dhigtay markii dambe dalka Masar, halkaa oo dhashiisi ku caraboowday, Allena dhabarkiisa ka soo saaray hanadkii loo aayey ee in badan Muslimiinta garaadkooga kobciyey.

Haddaba maanta innagu waa aynu ognahay sida sahlan ee aynu u tagi karno, balse waynu ka dhaadan nahay fursaddaa Alle SWT inagu galladay. Taas oo aad arkayso qof tagis ahaan awooda oo haddana aanay niyadda ugu jirin in uu tagaa.

Waxa aad arkaysaa qof hantiile ah oo haddana aan isku haysan in ay ku waajibtay oogista tiirkaa Alle SWT ku waajibiyey. Waxa aad arkaysa sidoo kale qof hantiile ah oo haddana aan is moodayn in ay isaga ku waajibtay oogista cibaadadaa Alle.

Soddon sannadood ka hor haddii aad warraysato odayasheeni sidii loo tagi jiray Xajka aad baad u yaabaysaa iyo sida sahlan ee maanta loo tagayo.

Waxa aynu iyadana ku boorin lahayn dadka Alle xoolaha ku galladay in ay dadka ka caawiyaan tagista Xajka, kol ay iyagu ka dammaanad qaadan kharashaadkiisa ama kala badh ka dulqaadanba.

Halkan hoosena ka akhriso qormadii hore Axkaamta Xaj:
Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com