Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.4aad

Sunnayaasha Xajka:-

  • In aad la timaaddo ifraad ama Xaj kali ah la timaaddo
  • In aad talbiyo odhaahda xajka ee Labbayka Allahu la timaaddo
  • Dawaafka Quduumi ee lagu bilaabo kacbada aad la timaaddo
  • Dawaafka labadiisa rakcadood aad la timaaddo
  • Dawaafka sagootinka
  • Ninku in uu iska saaro dharka tolan, xidhona dharka loogu talo galay in lagu oogo xajka

Waxyabaha Ka Xaraanta ah Xaajiga:-

  • Dharka tolan in uu xidho inta uu ku dhex jiro gudashada Xajka
  • Madaxa oo wax la saaro ninka gudanaya Xajka
  • Haweenayda oo madaxa iyo labada gacmood qarisa ama daboosha
  • Feedhashada timaha oo iidaan la marsado.
  • Timaha oo la xiiro
  • Cidiyaha oo la iska guro
  • In uu udug qofku marsado
  • In uu ugaadhsado
  • In uu guursado
  • In uu galmo la yimaado

Intaa aynu soo xusnay haddii u la yimaaddo qofka gudanaya xajka waxa lagu yeelan doona fidyo, marka laga reebo guurka uu guursaday oo aan guntamayn ama guurkaasi noqonayn mid jira.

Waxa buriya Xajku waa galmo qofku la yimaaddo, taas oo waxba kama jiraan ka dhigaysa hawlqabadkiisi u soo waday, waliba isagoo la leeyahay dhammaystir isagoo kaa jabay.

Qofka ka taga istaagga Carafa wuxuu ku xalaaloobaya camalkii cimrada wuuna soo qallaynayaa waayo Xaj u jiraa ma jiro. Rasuulka CSW waxa ka sugan inu yidhi:

“Xajku waa Carafa.”

Qofka ka taga waajib ka mid ah waajibyada Xajka isaga waxa ku waajibay in uu dhiig daadiyo ‘neef gawraco’. Qofka ka taga sunne ka mid ah sunnayaasha Xajka isaga waxba kuma waajibin samaynteed.

Xoolaha la gawraco Xajka iyo beddelkooda:-

Dhiigga la daadiyo Xajka dhexdiisu waa laba uun mid waa ka waajibay maalinta Carafa, midka kalena waa midka yimaada khalad uu xaajigu sameeyey oo kafaro gudkeedu noqday in uu dhiig daadiyo ‘neef gawraco’.

Tusaale ahaan haddu xaajigu ugaadhsado waxa laga raba inu kafaaro gud u bixiyo wuxu u gaadhsaday mid nimcoolayda ka mid ah oo u dhiganta. Sidoo kale sida aynu soo xusnay ba haddii uu ka tago waajib ka mid ah waajibyada xajka waxa lagu yeelanaya in uu dhiig daadiyo xaajigu ‘neef gawraco’.

Hoos ka akhriso qaybihii hore axkaamta xajka:

Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.1aad

Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.2aad

Axkaamta Xajka, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.3aad

Dhammaad.

Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com