Baadhitaannadii FIFA oo la filayo in ay galaaftaan xubno iyo ururro hor leh

Baadhitaannadii ka dhanka ahaa madaxda FIFA ayaa Maraykanku kor u qaadday iyadoo hore loo xidhay todoba sarkaal bishii May wax yar ka hor doorashadii uu ku guulaystay Sepp Blatter oo muddo dheer ururkan hoggaaminayey.

Baadhitaannadan lagu hayo ururkan ugu weyn ciyaaraha adduunka ayaa diiradda saaraya sidii loo bixiyey qandaraasyada martigelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022 oo ay ku kala guulaysteen Gadar iyo Ruushku.

Dhawaqan cusubi wuxu hadda ka soo yeedhay Xeer Ilaaliye Guud ee Maraykanka Loretta Lynch. Hase ahaatee warkiiska kuma uu sheegin in hoggaamiyihii FIFA ee xilka iska casilay Sepp Blatter isagana lagu darayo baadhitaannada socda.

Xeer Ilaaliye Loretta Lynch waxa uu sheegay in la filan karo xubno hor leh oo ka tirsan madaxda FIFA oo Maraykanka iyo Iswiisarlaan ay soo xidhaan, laakiin gaar uma uu sheegin kuwa ay yihiin xubnahaasi.

Ururka FIFA ayaa sumcad-xumo weyni soo food saartay kadib markii xukuumadaha Maraykanka iyo Iswiisarlaan ay baadhitaano, xadhig iyo eedaymo musuqmaasuq la daba galeen madaxdii ururkan.

Bisha Diisambar ayaa la filayo in FIFA ay doorato hoggaan cusub.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com