Baakistaan oo askar lagu laayey

Militariga Baakistaan ayaa sheegay in ugu yaraan 21 askari iyo 5 qof oo rayid ahi ku dhinteen weerar ku soo qaaden koox xag jir ahi xero ciidamadda cirka ee Baakistaan ku lahaayeen magaalada Peshawar.

Sidoo kale waxay sheegeen militarigu in ay 14 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale kooxda Talibaanta Baakistaan ee loo yaqaano Tehreek-e-Taliban ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday xero ciidamada cirka ee Peshawar.

Askarka la dilay ayaa kooxdu dishay iyadoo salaadii subax tukanaya.

Ragga weerarka gaystay ayaa waxay xidhnaayeen dharka ciidamada, waxaanay isku qaybiyeen laba kooxood, weerarka ka fuliyey laba meelood, koox ayaa waxay weerartay masaajid ay ku tukanayeen ciidamadu, halka kooxda kalena weerareen qolalka ilaalada xerada.

bandhige@gmail.com