Baarlamaanka Ingiriiska oo goor dhaw u codaynaya duqayn lagu beegsanayo ISIS-ta Suuriya

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa goor dhaw u codaynaya duqayn lala beegsanayo Suuriya. Codsigan waxa aqalka baarlamaanka maanta gelinka dambe hor keenaya Ra’iisal-Wasaare David Cameron oo sheegay in uu waajib Ingiirksa ka saaran yahay in uu burburiyo meelaha ay ku dhuuntaan ciidamada daacadda u ah Dawladda Islaamiga ah.

Ra’iisal Wasaare Cameron ayaa sheegay in duqayntan uu Ingiriisku damacsan yahay ay waafaqsan tahay qaraarkii ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu ahaa 2249, kaas oo dhigayey in la baabiiyo fadhiismiha ISIS ee Suuriya iyo Ciraaq.

Hase ahaatee Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in ciidamada cirka ee Ingiriiska ay ka taxadari doonaan in duqaynta ay samaynayaan ay dhibaato ka soo gaadho shacbiga caadiga ah ee reer Suuriya. Sidoo kale Cameron wuxu sheegay in aanay marnaba dhici doonin in ciidamo infantari ah oo ingiriis ah ay ka dagaalamaan Suuriya.

Hawada Suuriya ayaa loo aqoonsaday in ay tahay tan ugu halista badan dunida iyadoo waxa kaliya ee maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey ay ahayd qiiq cirka u baxaya iyo mid cirka ka soo socda.

Xubno door ah oo ka mid ah xisbiga David Cameron ee baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka soo horjeeda mooshinkan, hase ahaatee waxa la filayaa in qorshahani uu taageero ka helo xisbiga Consevative-ka ee mucaaridka dalkaas.