Baarlamaanka Ingiriisku waxay ka doodayaan in Donald Trump laga mamnuuco dalkooda

Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Ingiriiska ayaa maanta bilaabay dood ku saabsan in dalka Ingiriiska laga mamnuuco ninka safka hore kaga jira musharaxiinta madaxweynenimada ee xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka Donald Trump.

Dooddani waxay bilaabantay kadib markii uu Donald Trump sheegay in laga mamnuuco waddanka Maraykanka dhammaan dadka Muslimiinta ahi in ay soo galaan.

Doodu waxa ay socotay saddex saacadood, iyadoo 500,000 oo qof oo Ingiriis ahi ay soo gudbiyaan codsi ay ku dalbanayaan in ninkan noo sidoo kale hadallo deelqaaf ku ah Ingiriika ka sheegay warbaahinti muddadii uu sharaxnaa.

Xildhibaannada qaar ayaa taageersan codsiga dadkweynaha una ololaynaya in ninkan laga joojiyo Boqortooyada Ingiriiska, halka kuwo kale ay leeyihiin xorriyatul-qawlka ha la tixgeliyo hana loo oggolaado in uu Trump ka hadlo aragtidiisa iyo waxa uu aaminsan yahay.

Dunidda Muslimka ah iyo dadka ajaanibka ah ee ku dhaqan waddanka Maraykanka ayaa aad u cambaareeyey hadalladdii ka soo yeedhay Donald Trump ee ka dhanka ah aa muslimiinta.

Muslimiinta Maraynka ayaa sheegay in hadalladii Donald Trump ay colaad badan u abuureen Muslimiinta marayknka. Siyaasiyiinta Maraykanka ee ay kala aragtida duwan yihiin Donald Trump ayaa sheegay in hadalladii donald Trump ay sidoo kale taageero badan u abuureen kooxaha argagaxisada ah.

bandhige@gmail.com