Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Oo Ka Hadlay Shirkii Wadahallada Somaliland Iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa madaxweynaha dalka Jabbuuti ku bogaadiyey martigelinta iyo qabanqaabinta kulanka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxa uu ugu yeedhay taageeridda dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika.

Dr. Mishcal Bin Fahmi A-Sulami, guddoomiyaha Baarlamaanka dalalka Carabta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray 18-kii bishan Juun waxa uu ammaanay hindisaha madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mudane Mishcal waxa uu sheegay in baarlamaanka Carabtu uu taageersan yahay dadaalka madaxweyhne Geelle, una rajaynayo in uu is-afgarad ka dhex abuuro walaalaha Soomaalida, isla markaana taageero xasiloonida gobalka Geeska Afrika iyo xoojinta amniga qaranka Carbeed. Sida uu hadalka u dhigay.

Waxa aanu tallaabadan ku tilmaamay mid togan oo sii xoojinaysa xasiloonida, dib u heshiisiinta, iyo in hore loo dhaqaajiyo taayirka horumarka Soomaalida iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika.

Xigasho: Geeska Afrika