Baarlamaanka Maraykanka oo Qodobo Cusub Ku Kordhinaya Xeerka Iskaashiga Somaliland

โ€œKa hortagga kicinta qalaasaha Shiinaha ee Laascaanood (Somaliland)โ€

Washington (Dawan)- Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu ansixiyo qodobo cusub oo lagu kordhiyey xeerka iskaashiga Somaliland oo sannadkii hore lagu lifaaqay miisaaniyada ciidamada Maraykanka.
Xildhibaano ka tirsan guddida Arrimaha Dibedda ee golaha Wakiilada iyo Guurtida Maraykanka ayaa soo jeediyey qodobo cusub oo lagu kordhiyo xeerka.
Baarlamaanka Maraykanka oo diyaarinaya xeerka miisaaniyada ciidamada Maraykanka ee 2024 ayaa soo jeedimaha cusub ee xildhibaanada qeyb ka yihiin qodobada cusub ee lagu kordhinayo xeerka iskaashiga Somaliland.
Xildhibaanada Chris Smith iyo Marc Veasey oo labada xisbi ee Maraykanka ka soo jeeda ayaa qodobada cusub ee ay ku kordhiyeen xeerka iskaashiga Somaliland waxa ka mid ah; Joogitaanka Maraykanka ee Somaliland waxay; โ€œKordhinaysaa iskaashiga la dagaalanka argagxisada iyo wadaaga macluumaadka sirdoon si looga adkaado argagxisada Shabaab, ISS iyo kooxaha kale argagxisada.
Ka hortaga kicinta qalaasaha Shiinaha ee Laascaanood, Somaliland.
Taageerida kaalinta Taiwan ka qaadanayso ka hortaga faragelinta Shiinaha ee Somaliland.
Qodobada cusub ee lagu kordhin doono xeerka iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ayaa muujinaya in Maraykanku si weyn u doonayo xidhiidh iskaashi dhab ah oo dhexmara Somaliland.