Baasaboorrada Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Afgaanistaan oo noqday kuwa ugu liitta adduunka

Sida ay CNN baahisay, afarta baasaboor ee duniga ugu karaamada hooseeyaa waa ka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Afgaanistaan, halka shanta baasaboor ee duinda uGu karaamo sarreeyaa ay yihiin Japaan, Singapore, Koonfurta Kuriya, Jarmalka, Talyaaniga iyo Finland.

Baasaboorka Japan ayaa noqday kan dunida ugu karaamo sarreeya halka baasaboorka Afgaanistaan ka noqday baasaboorka dunida ugu liita.

Daraasaddan waxa sameeyey Henley Passport Index, waxaana miqyaas loo qaatay baasaboor kasta inta waddan ee oggol in waddankeeda lagu soo galo.

Hoos ka akhri liiska sida ay baasabooradu u kala wanaagsan yihiin iyo mid kasta inta waddan ee lagu gali karo.

Baasaboorrada dunida ugu wanaagsan: 
1. Japan (191 dal ayaa lagu geli karaa)
2. Singapore (190 dal ayaa lagu geli karaa)
3. South Korea, Germany (189 dal ayaa lagu geli karaa)
4. Italy, Finland (188 dal ayaa lagu geli karaa)
5. Spain, Luxembourg, Denmark (187 dal ayaa lagu geli karaa)
6. Sweden, France (186 dal ayaa lagu geli karaa)
7. Switzerland, Portugal, Netherlands, Ireland, Austria (185 dal ayaa lagu geli karaa)
8. United States, United Kingdom, Norway, Greece, Belgium (184 dal ayaa lagu geli karaa)
9. New Zealand, Malta, Czech Republic, Canada, Australia (183 dal ayaa lagu geli karaa)
10. Slovakia, Lithuania, Hungary (181 dal ayaa lagu geli karaa)

Baasaboorrada uGu liitta adduunka iyo inta dal ee lagu geli karo

  1. Afghanistan (26 dal ayaa lagu geli karaa)
  2. Iraq (28 dal ayaa lagu geli karaa)
  3. Syria (29 dal ayaa lagu geli karaa)
  4. Somalia, Pakistan (32 dal ayaa lagu geli karaa)
  5. Yemen (33 dal ayaa lagu geli karaa)
  6. Libya (37 dal ayaa lagu geli karaa)
  7. Nepal, Palestinian Territory (38 dal ayaa lagu geli karaa)
  8. North Korea, Sudan (39 destinations dal ayaa lagu geli karaa)

Xigasho: CNN