Baashe Maxamed Faarax waxa uu ka jawaabay eedaymo uga yimid salaadiin iyo siyaasiyiin muraacidka ah

Gudoomiye-xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada ayaa ayaa ka hadlay eedaymo uga yimid Salaadiin iyo siyaasiyiin mucaarid ah, isagoo ka hadlaya eedaymahaasna waxa uu yidhi:

“Cali Guray hadalku ku hadlay ma ahayn mid qof masuul ah ama shakhsi miyir qaba ku hadlo, gabadh garacatay iyo fawaaxishkii uu ku maah maahaayay, wax aan anigu ku hadli karo ama ii cuntama maaha, ninka dhaqanka sodoga iyo seedinimada kala garanaaya ayaa loo jawaaba laakiin Cali Guray jawaab ma mudnee wuxuu inaga mudan yahay in la daweeyo oo caafimaadkiisa laga taakuleeeyo, waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in aan aniga oo Baashe ah (Guddoomiye-xigeenka Wakiilad) aan bixin doono lacagta ugu horeysa ee mujaahidkaas dhakhtar loogu diraayo waliba Akoon (Account) xisaabeed ayaan u furayaa kaas oo aandib idiinka soo sheegi doono, in badan ayaa Cali Guray lagu daawaday suuqyada iyo shaaracyada halka uu hadda marayaana maaha meel lasii eegan karo, marka Cali Guray intaas u dhaafi maayo, waayo Cali Guray wuxuu ka soo jeeda reero xurmo iga mudan.”

Guddoomiye-xigeenka Wakiilada waxa dhanka ka hadlay Salaadiin ka hashay dhacdadii dhex martay isaga iyo Cirro waxaanu yidhi:

“Cayda iyo aflagaadadu Cali Guray kuma koobnayn, waxaan arkaayay nin Suldaan sheeganaaya oo isna reer Hargeysa ah oo wixii uu ku hadlaayey bulshadu la yaab iyo amakaag ka qaadeen, runtii qiimaynta Suldaankaas caytamay waxaa igaga filan bulshada anigana waxba iiga tagi maayaan, waxaanse odhan lahaa uun, Suldaan ama Garaad ama madax dhaqameedku milgo iyo karaamo ayey lahaan jireen, xishood iyo akhlaaq ayaa jiri jirta, halkay hadda Somaliland marayso  haddii sidan aynu isu dhaami weyno oo qaabkan hadda laysu sii caayo wax ka xun oo ah dhaqan guur, karaamo darro, iyo ummadda oo milgihii lagu yaqaanay meesha ka baxo ayaa iman doona taas ha la ogaado, Xukuumadduhu way tagayaan laakiin dadka iyo dhaqanku ma tagaayo. Maanta sidan ay tahay haddii aynu jecel nahay iyo hadaynu neceb nahayba maaha wax ummaddi ku sii noolaan karto. Siyaasadda waa lagu kala duwanaada waana lays dhaliila waana lays badeli karaa, ceeb maha lakiin waxay inaga hadda inaga maraysa meel aad u xun oo halis ina galin doonta. Markaan sidaasaan leeyahay anigu iska hadli maayo laakiin in aynu daawano inagoo 70-jiro ah cayda noocaas ah maca Islaamnimadeeni ayaa khatar ku jirta”.

Gabagabadii waxa uu Baashe ka la waydiiyey sida uu arko dagaalkii dhexmaray isago iyo Cirro waxaanu yidhi:

“Dagaalkaas waanigii hore uga hadlay waanu ka raali gelinaynaa shacabka iyo Golahaba, raggii maanta dagaalami lahaana ma nihin, laakiin marka khalad dhaco waa in si caadalad ah khaladka looga garnaqaa in Guddoomiyuhu markuu isagu doonana daqiiqado xeerar ku mariyo, markuu diidan yahayna hoosta dhig, taasi hoggaamin saxa maaha, intaanu isku qabanayna waa intaas.”

Shir-gudoonka golaha wakiilada ayaa fasax laba todobaad ah galay iyadoo uu taagan yahay mooshinka muran galiyey shirgudoonka iyo xildhibaanada wakiilada.

bandhige@gmail.com