Muxuu badhasaabka Gabiley ka yidhi dhacdo aaskii Cawke ku dhex martay madaxda Somaliland iyo Madaxweynaha Soomalida Itoobiya?

????????????????????????????????????

Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” ayaa faahfaahin ka bixiyey waxa ay ka dhigan yihiin warar qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ay xalay ilaa maanta qaadaa-dhigayeen iyo dhacdo ay ku tilmaameen wax lala yaabo oo shalay ka dhacday Wajaale markii salaaddii jinaasada lagu tukaday marxuum Axmed Xasan Cawke.

Ciidanka ilaalada Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Itoobiya ayaa Madaxweyne-Xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murashaxa madaxweynenimo ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka hor istaagay wakhti ay u socdeen dhinicii baabuurtoodu taallay, kadibna ay goosteen in ay lug kaga tallaabaan xadka labada dal una soo tallaabaan dhinaca Somaliland.

Guddoomiye Mustafe oo hadalkiisu u dhandhamayo in uu dhexdhexaadin ka galay arrinkaas ayaa sheegay in Madaxweyneha DDSI uu ka codsaday in uu la kulmo madaxda Somaliland isla markaana ay u suurto-gashay in uu Madaxweyne-Xigeenka iyo Guddoomiyaha Kulmiye ay u suurto-gasho in uu ku qanciyo in ay mar kale tallaabaan si ay ula kulmaan Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynaha DDSI.

Qoraal uu Badhaasbku mar dhawayd barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku daabacay ayaa sidan u dhigan:

Dhacdadaas ayaa loo fasirtay in Madaxweyne-Xigeenka iyo Guddoomiyaha Kulmiye ay ka cadhoodeen hase ahaatee kulan markii dambe ay Madaxweyne Dawlad-Deegaanka Soomaalida iyo madaxda Somaliland ku kulmeen ayaa arrinta lagu dejiyey.

Waxa wax laga xumaado ah in warbaahinta Somaliland ay qaarkood faafinayaan warar aan faa’iido laga gaadhayn wax xiiso iyo qiimo ahna aan u lahayn shacabka reer Somaliland iyo Dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia, taasi oo ay sawir khaldan ka bixinayaan dhacdo shalay ka dhacday xabaashii Marxuum Axmed Xassan Cawke oo hayd sidan:-
Waxa kolkii laga soo baxay salaadii jinaasada u soo dhaqaaqay dhinaca xabaasha oo uu markaa nagu soo gaadhay madaxweynahaa DDIS Cabdi Maxamed Cumar, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay amaanka adkeeyaan, waxoogaa kadib ayaa waxa dhankii salaadii jinaasada ka yimid Madaxweyne xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo Gudoomiyaha xisbilxaakimka Md Muuse Biixi oo ay daba iyo hareera socdeen kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo ay ciidamada amniga oon aqoon u lahayn si wada jira u joojiyeen madaxdii Somaliland iyo dadweynihii mawjadaha ahaa ee hareera iyo daba socday, waxaana ay keentay in masuuliyiinta reer Somaliland oo danaynaya amaanka ay u dhaqaaqaan dhinaca gaadiidkooda uma tallaabaan dhinaca Somaliland.


Markii warkaasi na soo gaadhay waxa aniga iyo Wasiirka Cadaalada JSL aanu gaadhsiinay Madaxweynaha DDIS, kaasi oo runtii aad uga xumaaday goobtiina ku canaantay masuuliyiintii uu u xilsaaray protocolka aaska iyo soo dhawaynta madaxda Somaliland waxana uu iga codsaday in aan arrinka dhexgalo oon ka daba tago masuuliyiinta Somaliland, iyadoo uu I siiyay gaadhigiisii gaarka ahaa oo isaguna isku dayay inuu I soo raaco, balse boqolaal gaadhi oo dhinaca Somaliland u soo talaabayay ay na xanibeen, aakhirkiina waxa aniga, wasiirka Cadaalada SL iyo raxan wasiiro ah oo DDIS ka tirsan noo suuro gashay in aan Madaxweyne xigeenka JSL iyo Gudoomiye Muuse Biixi aanu ka qancino inay na raacaan, taasi oo aanu kulan isugu keenay Masuuliyiinta Somaliland iyo Madaxweynaha DDIS, halkaasi oo uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka raali geliyay Madaxweyne xigeenka JSL iyo gudmooyiha xisbilxaakimka dhacdadaasi, iyadoo ay Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in wax cadho la yidhaahdaa aanay jirin, balse farsamo dhinaca amniga ah maadaama ay kumanaan qof daba socdeen uga soo tallaabeen xadka, halkaasi oo masuuliyiinta Somaliland uga mahadnaqeen sida dareenka leh ee uu Mdaxweyne Cabdi Muxumed uga hawlgalay arrinta islamarkaasina uu ugu dhabar adaygay inaanu noqon isagoo la kulma madaxda Somaliland mooyee.

Haddaba waxa taasi oo jirta danta labada dalna ay ku jirto xidhiidh ka. Wanaagsan ee.dhawaan dib u curtay shirkii Dirirdawe aanu kula soo yeelanay masuuliyiinta DDIS iyo kuwa Federalka Ethiopia, ayaa qaar aan qiimaynayn waxa dhaawac uu keeni karo warkoodu ay u dhigeen in la quydhsaday madaxdeena, halka kuwa quudhsiga iyo bahdilka keenaya ay tahay kuwa sidaa wax u turjumaya.

Si kastaba ha ahaatee waxaan saaxiibadayda saxaafada ka codsanayaa inay warkaasi saxaan nalana ilaaliyaan xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac ka curtay, kaasi oo sababy in kooxihii nabada diidanaa ay arrintoodii soo afjaranto.