Badhasaabka Gabiley wuxu ka war bixiyey qaadashada kaadhadhka codbixinta, dadka degmooyinka jooga ee aan qaadan wuxu u soo jeediyey in ay xarunta Gabiley yimaadaan

 

Badhasaabka Gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi ayaa maanta waraysi khaas ah siiyey Farxaan Cabdi Aadan oo ka tirsan telefishanka RTN.

Badhasaabku wuxu sheegay in wajigii hore ee kaadh-qaadashu si wacan u dhammaatay haatana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto jadwalka inta ka hadhay.

Farxaan wuxu sheegay in ay furan yihiin oo shan goobood oo laga qaadan karo kaadhadhka kuwaas oo dhammaantood ah xarunta gobolka Gabiley.

Badhasaabku wuxu sheegay in dadka aan kaadhadhka qaadan ee degan degmooyinka Agabar, Allaybaday, Geedballaadh, Wajaale iyo Arabsiyo ay kaadhadhka u soo doontaan xarunta Gobolka Gabiley oo ay ka qaadna karaan.

Hoos ka daawo muuqaalka waraysiga badhasaabka