Badhasaabka Togdheer wuxu beeniyey in uu is casilay

Mareeg cusub oo magaceeda la yidhaa www.somalilandone.com ayaa xalay 8:14 pm farriin email ah oo ay u dirtay  warbaahinta Somaliland ku baahisay in uu is casilay Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye.

Sababta is-casilaadda ayaa mareegtani waxa ay ku sheegtay in Guddoomiyuhu xilkiisii gabay isla markaana uu khilaaf ka dhaxeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde.

Hase ahaate Guddoomiye Maxamed Muuse Diiriye oo xalay warbaahinta qaar la hadlay ayaa beeniyey in uu is casilay, wuxuna sheegay in aanu wax xidhiidh ah la samayn aqoona u lahayn mareegtan.

Somalilandone image
Muuqaalka warka ay xalay baahisay mareegta Somalilandone.com

 

bandhige@gmail.com