Badhasaabka Togdheer wuxu sheegay in xadhiga Suldaan Cune loo maray sifo sharci ah, xukuumadduna aanay aqoonsanayn saldanaddiisa

Guddoomiyaha Togdheer Maxamed Muuse Diiriye wsuxu BBC-da u heegay in Suldaan Maxamed Cune loo xidhay dambi uu qaranka ka galay, isla markaana ay xukuumaddu u aragto shakhsi caadi ah oo aanay suldaanimo u aqoonsanayn.

Guddoomiye Maxamed Muuse wuxu maanta warbaahinta u sheegay in suldaanka xadhigiisa loo maray sifo sharci ah isla markaana maxkamadda la gayn doono si dacwado loogu soo oogo.

“Suldaanku wuxu gaadhay ilaa heer uu yidhaa cashuur yaan la bixin, ha la gadoodo, ha lagu kala tako meesha. Cid aqbalaysaa ma jirta. Isaga iyo ciddii kasta ee kale ee sidaas u hadasha waa la xidhayaa” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Badhasaabka Togdheer wuxu sheegay in xiliyada kala guurka ay dadka hadallo caynkan ah yidhaahdaa ay kordhaan laakiin dhawaqa suldaankani uu yahay mid ugub ku ah qaranka Somalialnd.

 

Bandhige@gmail.com