Kooxaha xafiiltanka wayni ka dhaxeeyo ee reer Manchester oo ku loolamaya sidii ay u heli lahaayeen xiddiga 24 jirka ah reer Baraasiil una ciyaara kooxda reer catalan ee Barcelona Neymar, ka dib markii uu soo dhawaadey muddo xiliyeedkii uu heshiiska la galay kooxdiisa Barcelona oo ku eg 2018-ka.
Neymar waxay dacwad ka dhan ah musuqmaasuq iyo wax-isdaba marin maaliyadeed uga socotaa maxakamad ku taalla Barcelona, waxaana dacwadaas lala xidhiidhinayaa heshiiskii ay Barcelona kula soo wareegtay xidigan, sida la xaqiijinaayo waxa heshiiska lala galay kooxdiisii hore ee reer Baraasiil ee Santos, heshiis ku kacay 100 milayan balse xisaabaadkiisa gaarka ah loogu shubay 50 milyan, halka 50kii kale hanti looga dhigay aabaha dhalay xidigan.
Xidigan ka hor intaanu u soo wareegin kooxda Barcelona waxa Neymar si weyn u raadineysay kooxda Manchester United, sida uu xaqiijiey wakiilka Neymar Vilarrubi told Club de la Mitjanit mar uu warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu yidhi:
“Bill ka hor intaanu neymar iman Barcelona waxa €190 million, oo u dhiganta (£144m) usoo bandhigtay kooxda Manchester united.”
Waxa warar kalena ay sheegayaan in ay kooxda Manchester City dalab ka dhiibtay rabitaanka xidigan balse muu soo shaac bixin.
Dhanka kale wakiilka Neymar ayaa waxa uu sheegay in uu la sii joogi doono kooxdiisa, isagoo arrintaas ka hadlayana wax a yidhi:
“Neymar wuu cusboonesiin doonaa heshiiska uu kula joogo kooxdiisa.”
Kooxda Barcelona waxay ku dhegen tahay heysashada xidigin, iyagoo soo hor dhigay in ay u kordhiyaan heshiiska uu kula joogo.