Barkhad Jaamac Xirsi oo la xidhay, haddana la sii daayey

Barkhad Jaamac Xirsi oo hore u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dadka la hayb sooco haatana ka tirsan saraakiisha sare ee xisbiga Waddani ayaa Khamiistii lagu xidhay saldhiga booliska degmada Ibraahim Koodbuur goor uu ka soo baxay salaadda taraawiixda waxana la soo daayey ku dhawaad duhurkii maanta.

Lama sheegin sababta shalay loo xidhay Barkhad Jaamac hase ahaatee waxa la sii daayey goor dambe oo isla shalay ah kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdilahi Uurcadde, Xoghayaha Dalxiiska Mubaarig Cabdi Xasan, Xoghayaha Gaarka ee Gudoomiyaha Maxamed Dirir iyo Xoghaye-Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Da’uud Xuseen ay ku booqdeen saldhiga.

Barkhad ayaa war kooban oo uu ku daabacay bogga Facebook-ga, cinwaana uu uga dhigay “gobeey liic oo ha jabin” wuxu ku sheegay in aanu garanayn sababta loo xidhay.

“Markii aan waydiiyey sababta la igu xidhayo waxay ay igu yidhaahdeen waa amar xagga sare ka yimid. Fal-danbiyeed faraha kulmaan jirin, cid cirdigeed waxba uma dhimin, belaayo maan falin haddana garan maayo ula-jeedka la ii xidhay. Waa Ramadaan, afkayga ayaan haysanayaan,  balse qoraal kooban ayaan idiinku soo tebin doonaa sidii ay wax u dhaceen. Somaliland guul iyo gobonnimo waarta.”

Xisbiga Waddani iyo xukuumadda midkoodna weli kama ay hadal sababta xorriyaddiisii looga qaaday Barkhad Jaamac haddana dib loogu soo celiyey.

Barkhad Jaamac ayaa tan iyo intii uu iska xasilay La-taliyenimadii Madaxweynaha wuxu ahaa xubin hadallo cad, wuxuna si weyn u dhalliilayey hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo sida ay ula macaamisho beelaha la haybsooco.

Taageereyaasha Barkhad iyo kuwa xisbiga Waddani ayaa ku dooda in uu taageero laxaadleh uga soo hooyey xisbiga waddani deegaanka uu ka soo jeedo oo ka sii hoos baxaya xisbiga Kulmiye, sida ay hadalka u dhigaan.

bandhige@gmail.com