Barnaamij lagu falanqaynayo dhaxal-wareejinta Quddus ayaa lagu qabtay Hargeisa

Barnaamij si weyn looga qayb-galay oo lagu falanqaynayo xaaladda Quddus ayaa cawaysinka caawa lagu qabtay Maansoor Hotel, Hargeysa.

Waxa barnaamijka marti ku ah Sheekh Almis Sh. Yaxye, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Abwaan Yuusu-shaacir iyo Sheekh Cabdirisaaq Albaani.

Waxa si qoto dheer loo falanqeeyey sababta u suurtogelisay qowmiyadda Yuhuudda iyo xukuumadda Israel ay soo hawaystaan in ay la wareegaan Quddus iyo masjidka saddexaad ee ugu barakaysan Muslimiinta ee Al-Aqsa.

Sidoo kale waxa la falanqeeyey waxa la gudboon umadda islaamka iyo sida looga hor tagi karo in ay u suurtogasho Israa’iil in ay la wareegaan Quddus.

Munaasibaddani waxay la mid ahayd munaasibado badan oo dunida ka qabsoomay oo lagaga soo horjeedo go’aanka Maraykanku ku aqoonsaday Quddus.

Bandhige@gmail.com