Barnaamij VOA-du ka samaysay dilalka ka dhasha khilaafaadka dhulka Somaliland

Idaacadda Caalamiga ah ee Codka Maraykanka “VOA” ayaa barnaamij muuqaal ah ka samaysay muranka iyo khilaafaadka dhulka oo barnaamijku ku tilmaamay in dilalka iyo dhimashada ugu badani ka dhashaan marka laga yimaad shilalka gaadiidka, taas oo keentay in Madaxweynaha Somaliland magacaabo guddi ka kooban 12 wasaaradood si xal loogu helo khilaafaadka dhulka.

Barkhad Maxamed Kaariye oo ah weriye VOA-da u fadhiya Hargeysa ayaa barmaamijka daadahaynaya. Haddii aad rabto in aad dhinacyo kala duwan ka fahanto sababta khilaafaadka dhulku weli u jiro welina dhimashooyin u sababo, hoos ka daawo warbixinta oo dhammaystiran.