Barnaamijka Suugaanta: Tixdii “Gurmad” iyo sababihii Gaarriyey u tiriyey

Barnaamijka suugaanta ee todobaadkan waxan idiin soo xulnay maansadii caanka ahayd ee Gurmad oo uu Gaarriye curiyey 20kii October 2005tii.

In kastoo markii abwaanku tiriyey ay toban sanno ka soo wareegeen, haddana waa maanso maalin walba nool oo waxay u eg tahay in ay maanta uun soo baxday.

Sida ku xusan buugga Hagarlaawe, tixdan Gurmad wuxuu Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) tiriyey wakhtigii ololaha Doorashaddii Baarlamaanka Somaliland ee  sannadkii 2005kii.

Wuxuu  Abwaanku ka digaya ku shubasho, musuqmaasuq iyo isdaba marin dhaca natiijada doorasha iyo inta lagu guddo jiro, ninkii sameeyaana in uu eedayo gefkaas.

Wuxuu kaloo abwaanka tilmaamay inaan gari laba qof ka wada qoslin ee kolleyba midi guusha helaayee, ka laga helaa uu samro, kuna qanco natiijada doorashada.

Waxa kale oo abwaanku iftiimiyaa in doorashada caddaaladeeda iyo garsoorkeedu uu muhiim tahay, oo cida doorashada hagaysaa aanay ka tagin xaqa iyo xormaynta.

 

Gun baa haan laga unkaa

Duq baa geel loo tumaa

Gaw ban ka aqaan durbaan

Waxaa geed lala tagaa
Genkaad tahay erey la da’ ah
Gefkana bashar baad u tahee
Haddii aad garowdo khalad
Gob bay tahay caadadeed

Waxaan godobtiisu hadhin
Gar aad leedahoo uu ogyay
Nin kaaga masuugay gole

Waxaa gabay lagu saxdaa
Candhuuftu gashaa dalqada
Markuu milil guud ka dhayo
Golxoo dhami maaha dhalan
Mar bay ged kaleeto tahay
Dibnahoo ku gariira iyo
Gengada waxaa keenta been
Waxay tixdu gaabsataa
Damiirku markuu gam’aa
Haddii hal ku seego geed
Waxaad gocataa hurdada

Intaa guntay oo dhigee
Hadduu geeraar wax taro
Maxaan gelin dhexe onkoday
Maxaan goohay oon tallamay
Adoo gabbalkaagu dumay
Maxaan gudcur bajiyoo
U daaray cadceed gayiga
Maxaan galab oogay shamac
Waxaan guuraha meershiyo
Waxaan subax loogay gool
Hadday gees kaa mareen
Maxaad farta iigu godi?
Dhegtaadaa soor-gad lehe
Miyaan giririf yaraa?

Maxaan godladaa araar

Shabeelkaa gurboodku dhalay
Ku idhi waxa gooyey aar
Sowkii Alla-gowrac yidhi
“Mayee waxa laysay garo”

Haddaan guga kuu kordhaa
Gabow mooyee ku tarin
Garaad iyo waaya-arag
Illayn wax ma dhaantid geed!

Intaa guntay oo dhigee

Ku soo noqo goobta iyo
Garoonka ciyaartu taal

Xilligu waa goor wax saar
Gole lagu dheelayoo
Garsoore ka yahay shacbigu
Waxaa guul sheegan kara
Cidday u garteen iyagu
Hadaad tahay guur-u-meer
Qaraabo adoon gub-gubin
Adoon ummadda isku gubin
Dadweynahoo soo gig yidhi
Waxaad ka gadayso mari
Abaalkana waan gudnaa
Waxaad noo gashee horiyo
Gadaal waxaad maagan tahay
Adoon galin ceeb nin kele
Bal noo sheeg waa golee
Waxay dadku kaa guntaan
Kolay tahay,  gaafanow
Haddaad waydo gallad kale
“Estii” tii gudahaan ahoo
Ri’ baan beri gees ka riday

Intaa guntayoo dhigee
Nimay kala gees yihiin
Inuu libintiisa gado
Ninkii yidhi guul ka dhigo

Gub baa kaga dhacay halkaa

Ninkii: yidhi gaal diloo
Gartiisana sii’ ma maqal
Xaqsoor nin ku gaadhi kara!

Rag uu ka dhexeeyo geel
Hadduu kala geeyo damac
Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!

Galool mudhay oo farcamay
dhuddaa goonyaha ku fiday
Hadday kala gaar yihiin
Guntay ka midaysan yihiin
Hadad gorod diidan tahay
Ku koob dirirtaada gorod
Ha nicin gobolkuu ka yimid!
Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysku yahay
Magliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdee
Ha gaadhin laftoo ha jabin
Afkaagana godob ka dhowr!

Marbaa jirta gumuc la riday

Galaafto ninkii ridee,

In iinloow, daa gujada!

Waxaa bir kuu gooya talo

Markay gondihiisa taal

Nimaan geshigiisa dayin

Adoo wax ka gaws qabsaday

Mar baa gefka loo liqaa

Inaan danta guud murkacan

Intaa guntay oo dhigee

Garaadkaygaan hadlee

Allow haygu gubin aqoon

Gar eexana hayga tegin!

Haddaan eego gees kalena

Gedday tahay dheesha taal

Inuu hebel guul heliyo

Inuu gudbiwaayo hebel

Galaasku halkaa ma yaal

Nimaan garanoow u toos!

Waxay eegayaan guddida

Galbeed  iyo beri ka yimi

Inuu dadku yahay dad gaya

Waxay baadi goobayaan

Waxay eegayaan guddidu

Inuu dadku yahay dad gaya

Inay u noqdaan gadh-wade

Dadweynaha geeska bari

Fulow, guuli kuu dhawaa!

Xilliga guuraynayaa

Hadduu kaa tiro gedmaday

Hir baa laga guurayaa

Mid baa lagu geeddi yahay

Waxaan goobayaa hangool

Farraarkiisiyo gantadu

Midkoodba ku yaallo geed

Wax baan ka garaabayaa

Wax baan misna gocanayaa

Lammaanaan is geyin

Intaan guri wada furaan

Haddana garac diidayaa

Hortayda bir baa ku go’ay

Hareerta god baa ka qodan

Gadaal uma laaban karo

Giraangir wareegta iyo

Dhig baa lagu guud socdaa

Waxaan gudayaa habeen

Wuxuu glayaa saddhexe

Waxaan gudbayaa biriish

Biriish ku dul taagan gees

Gafuur wiyileed ka baxay

Waxaa girgir qaanso sudhan

Warkaba aan gaabiyee

Raggi go’ay wuxu u go’ay

Haddaan eego gees kalena

Waxaa gabbal ka arkayaa

Cirkaan u samroo godladay

Hadduu gelin toomanaa

Wuxuu galay weerarow

Ayaankaygii gar-dhalad

Ciyaartuna geba gebiyo

Waxay joogtaa gamtii

Halkay ku gudhaysay talo

Gefkana xeer baa ka yaal

Ninkii ku kacaa xad-gudub

Wuxuu galayaa off-side

Allow garansii nin moog!

 

Waxa diyaariyey M.M. Dhamac

Bandhige@gmail.com