Waxa maanta wararka caalamiga ah hadheeyey George Blake, basaaskii caanka ahaa wakhtigii dagaalkii qaboobaa, oo Moosko ku geeriyooday iyadoo ay da’diisu ku dhawayd boqol jir.
George Blake, oo asal ahaan Yuhuudi ahaa balse haystay dhalashada Ingiriiska, wuxu ahaa basaas laba-gardaaq ah ama waxa af-Ingiriisiga lagu yidhaa “double agent”. Wuxuu baxsad waddankiisa kaga maqnaa muddo ka badan nus qarni kadib markii daacad-darradiisa la ogaaday laguna qaaday kiis khaayinul-waddan ah. Muddadaas wuxu ku noolaa Moosko.
Waxa tacsi iyo ammaan u jeediyey Madaxweynaha Ruushka. Wuxuuna ku sifeeyey geesi la yaab lahaa oo si weyn uga qayb-qaatay nabadgalyada caalamka.
George Blake wuxu ahaa nin dalkiisa u daacad ah, kana tirsan hay’adda sirdoonka sannadihii 50naadkii. Isagoo shaqo u jooga Koonfurta Kuuriya ayaa uu dhacay dagaalkii Kuuriya. Waxa gacanta ku dhigay ciidamadii Kuuriyada Waqooyi, waxaanay u taxaabeen xabsi ku yaalla Pyongyang halkaas oo uu ku jiray sannado dhawr ah. Muddadii uu xabsiga Kuuriya ku jiray George waxa laga beddelay maskaxda, waxaana lagu shubay fikradda shuuciga ee Maarkiiska, taas oo uu si dhab ah u aaminay.
Waxa la sheegay in ay dareenkiisa saamayn ku yeesheen sidii darnayd ee ay reer Galbeedku bambooyinka ula dhaceen Waqooyiga Kuuriya iyadoo aan loo kala aabo yeelayn, dhacdadaas oo uu goob joog u ahaa, iyo sidoo kale isagoo akhristay buugaagtii Karl Marx muddadaa uu xabsiga ku jiray. Taasina waxay keentay in uu aamino in qaabka ugu caddaalisan ee ay aadamuhu u noolaan karaan, laguna heli karo xasilooni waarta oo dunida oo dhami hesho, ay tahay shuucinimada.
Markii xabsiga laga soo daayey 1953, ee uu Ingiriiska ku soo noqday, wuxu ku laabtay shaqadiisii uu ka hayey Ingiriiska taas oo ahayd basaasnimo. Wuxuuna noqday qof aad loogu kalsoon yahay oo ka tirsan hay’adda Ingiriiska u qaabilsan sirdoonka caalamiga ah ee loo yaqaan MI6.
Hase ahaatee, ileyn lama ogayne, wuxu George iyagana basaas u noqday Midowgii Soofiyeeti oo wakhtigaa hoggaaminayey shuuciyiinta dunida. Wuxu noqday xariif labada dhinacba warka isugu gudbiya, una xagliya dhinaca Moosko.
Wararkii uu waagaa ka gudbin jiray Ingiriiska ayaa sida la sheegay dhaawac weyn u gaystay dunida reer Galbeedka, kuwaas oo fashiliyey qorsheyaal ka dhan ah Soofiyeeka, kuwaas oo haddii ay suurogali lahaayeen soo dedejin lahaa burburkii Midowga Soofiyeeti.
George Blake ayaa ku doodi jiray in uu hoosaasiyey oo uu warar xasaasi ah ka helay ama marin-habaabin halis ah ku sameeyey 240 sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka ee Ingiriiska. Hase ahaatee xukuumadda Ingiriisku waxay caddaymo u heshay oo kali ah in uu khaayimay 60 sarkaal, kuwaas oo uu ka helay warar hantaaqo weyn u gaystay dunida galbeedka.
Waxa lagu xasuustaa in uu gudbiyey magcayada dhawr boqol oo sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Ingiriiska, kuwaas oo uu Ruushku gacanta ku dhigay, noqdayna wax la khaarajiyo iyo wax xabsiga ku silca.
Sirta kale ee khatarta ahayd ee uu gudbiyey waxay ahayd in uu Soofiyeetka u sheegay guri qarsoon oo ku yaallay jidka tareenka ee Baarliin ee dhulka hoostiisa mara, halkaas oo ay Maraykanka iyo Ingiriisku telefoonnada dhulka hoostiisa mara ee Soofiyeetka qalab ku xidheen, kadibna ay dhagaysan jireen wax kasta oo Midowga Soofiyeeti ka dhex socda. Fashilaadda qorshahaasi wuxu guul weyn u ahaa hay’addii sirdoonka Soofiyeetka ee KGB, wuxuuna dhabarjab ku noqday Reer Galbeedka.
Ugu dambayntii xukuumadda Ingiriiska way ogaatay, waxaana sannadkii 1961 lagu xukumay 42 sanno oo xadhig adag ah. 5 sanno oo kali ah markii uu xidhnaa ayuu, si ay wax u dhaceenba, ka baxsaday xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Wormwood Scrubs ee ku yaalla London. 1966 ayaa loo kontorabaaniyey Yurubta Galbeed, kadibna Yurubta Beri, kadibna Soofiyeetka, halkaas oo cimrigiisa intii ka hadhsanayd uu ku qaatay. Dib dambe cago uma soo dhigin dhulkiisii hooyo.
Ingiriiska wuxu kaga tagay xaas iyo 3 carruur ah, balse dib uguma uu soo noqon. Wuxu nolol cusub ka bilaabay Ruuska, halkaas oo uu gabadh ku guursaday. Waxay u dhashay wiil hadda ka shaqeeya bangiyada dalkaas.
Muddadii dheerayd ee uu Ruuska ku noolaa, Blake wuxu ahaa geesi ay majeertaan sirdoonka Ruushku, waxaana la guddoonsiiyey billado iyo abaalmarino aan tiro lahayn.