Bayloodkii diyaaraddii la soo riday ee Ruushka oo la xaqiijiyey in uu nool yahay

Ugu dambayn waxa nolol lagu helay bayloodkii waday diyaaraddii dagaalka ee Ruushku lahaa ee Turkigu soo riday shalay.

Labadii baylood ee diyaaraddan waday ayaa mar kaliya baarashuudka goostay markii ay ka war-heleen diyaaradooddii oo gubanaysa. Hase ahaatee mid ka mid ah waxa toogtay fallaagada ka dagaalanta Suuriya isaga oo aan dhulka soo gaadhin. Halkaas ayuu ku qudh-baxay maydkiisiina indho lama saarin.

Bayloodkii isaga la socday waa la waayey, ilaa xalayna warkiisa lama hayn. Hase ahaatee xukuumadda Suuriya ayaa hadda shaacisay in ciidamo daacad u ah Bashaar Al Assad oo ka ag dhawaa goobta ay ku burburtay diyaaradda Ruushku oo ah xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Ruushka ay soo heleen bayloodka, isla markaana ay badbaadiyeen.

Bayloodka waxa hadda lagu xanaanaynaa saldhig ku yaal Suuriya oo ay xukuumadda Suuriya gacanta ku hayso, waxana la filayaa in dhawaan loo duuliyo Ruushka.

Waxa jira muran xooggan oo ka taagan qaabka ay diyaaraddani u soo dhacday. Turkiga ayaa sheegay in diyaaraddani ay ku soo xad-gudubtay hawadeeda muddo ilaa 17 ilbidhiqsi ah, isla markaana ay u digeen bayloodka diyaaradda 10 jeer muddo shan daqiiqo ah hase ahaatee uu dheg jalaq u siin waayey kadibna sidaas lagu toogtay.

Hase ahaatee Ruushka oo dhacdadan aad uga xanaaqay ayaa sheegay in aanay jirin sabab muuqata oo diyaaraddan loo soo ridaa iyadoo diyaaraddani aanay ka soo tallaabin xadka Suuriya.

Diyaaraddu waxa ay ku soo dhacday 5 Kiiloo-mitir gudaha Suuriya, laakiin Turkigu wuxu ku doodayaa in markii gantaalku haleelay kadib ay dhinacaas u ciirtay laakiin markii hore ay dul heehaabaysay hawada Turkiga.

Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu joojiyey xidhiidhkii dhinaca amniga ee u dhaxeeyey xukuumaddiisa iyo tan Turkiga.

Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in ay labada dhinacba is dejiyaan. Lama oga halka uu khilaafkani biyo-dhigan doono laakiin Ruushka ayaa sheegay in uu Turkigu la kulmi doono cawaaqib xun.

Bandhige@gmail.com