Waddamada Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhammaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka beesha caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in saxeexa xeerarka doorashooyinku ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhaqan
dimuqraadiyadeedka Somaliland.
โWaxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka goโnaanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,โ ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.
Waxa kale oo ay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinku ay wada jir u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ahi uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay .
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com