Beesha caalamka oo u sacabo tuntay doorashada soo socota ee Somaliland

Beesha caalamka ayaa si diirran u soo dhawaysay doorashooyinka isa saaran ee Somaliland ee la muddeeyey in ay qabsoomaan 31-ka May sannadkan.

Warmutiyeed ay isugu tageen waddamada dimuqraadiyadda ka taageera Somaliland ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ku faraxsan tahay in ugu dambayntii la muddeeyey wakhtiga doorashooyink baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanku dhacayaan isla markaana waxa lagu ammaanay Somaliland iyo Komishanka doorashooyinka ee sida daahfurnaanta iyo hufnaanta leh u dhammaystiray diwaangelintii doorashooyinka.

Warmurtiyeedka waxa lagu sheegay in beesha caalamku ay taageero ka gaysatay diwaangelintii codbixiyaha ee dhawaan la qabtay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay teegeeraan dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba inta ka dhiman hannaanka doorashooyinka.

Sidoo kale waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in doorashooyinka soo socda ee Somaliland ay fursado u furi doonaan Somaliland isla markaana ay soo celin doonaan haybaddii dimuqraadiyadda ee Somaliland iyadoo ay noqonayso markii koowaad ee doorashooyin baarlamaan la qabto tan iyo 2005tii.