Bijiin ayaa ku guulaysatay marti-gelinta ciyaarraha Olambikada adduunka ee 2022

Caasimadda Shiinaha ayaa ku guulaysatay marti-gelinta  ciyaarraha Olambikada adduunka ee 2022ka. Doorasho ay qabteen Guddiga Caalamiga ah ee Olambikadu maanta oo Jimce ah ayey Bijiin heshay cod dhan 44 cod halka Almaty oo caasimadda Kasakhkhistaan ay heshay 40 cod.

Bijiin ayaa ah magaalo nabad ah, ku haboon iyo waliba dhaqaalaheed koraya, taasina waa ta guusha siisay.

Mayorka Bijiin Wang Anshun oo ka hadlay guusha Bijiinna waxa uu yidhi:

“Maanta waa maalin u cajiib ah Bijiin iyo dhaq-dhaqaaqa ciyaarraha Olambikada.”

Isagoo ka sii hadlaya guusha ay Bijiin gaadhayna waxa uu yidhi:

“Maanta waxay ku qormi doontaa taariikhda guusha ay Bijiin soo hoysay.”

Martigelinta ciyaarraha Olambikada ayaa kor u qaadi doona dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha Bijiin iyo dhinaca kale shaqo abuur badani ka abuurmi doono.

bandhige@gmail.com