Bilawga hawshii biyo-ballaadhinta Hargeysa oo maanta xaflad weyn lagaga dhawaaqayo

Xaflad si weyn loo abaabulay ayaa saaka ka bilaabmi doonta Maansoor Huteel taas oo ay wadajir u qaban doonaan Wakaalladda Biyaha Hargeysa iyo Wasaaradda Biyuhu, taas oo lagu ballaysimayo hawshii ugu muhiimsanayd ee mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa ee loo yaqaan “HUWSUP.”

Mashuurcan oo ah kii ugu weynaa uguna qaalisanaa ee biyaha Hargeysa lagu maalgelinayo 40-kii sanno ee ugu dambeeyey waxa maalgeliyey Midowga Yurub oo bixiyey 15 milyan oo Yuuro iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo bixiyey 8 milyan oo Doollar.

Mashruuca waxa toos u fulinaysa Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Degsiimooyinka ee loo yaqaan UN-Habitat iyadoo is-kaashi la leh Wakaalladda Biyaha Hargeysa iyo Wasaaradda Khayraadka Biyaha.

War-murtiyeed kooban oo uu mashruucani soo saaray waxa lagu yidhi:

“Waa maalin aad iyo aad u muhiim ah mar haddii maanta la bilaabayo dhigista dhuumihii qasabadaha waaweyn ee biyaha Hargeysa soo gaadhsiiya. Arrintani muhiim uma aha oo kaliya UN-Habitat, Wakaalladda Biyaha, Midowga Yuru iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxay farxad weyn u tahay reer Hargeysa oo goobjoog u noqonaya maalgelintii ugu muhiimsanayd oo biyaha loogu samaynayo muddo afartan sanno ah.”

Intii u dhaxaysa bishii afraad iyo tii lixaad ee sannadkan waxa Hargeysa soo gaadhay dhuumaha la dhigayo, kuwaas oo UN-Habitat iyo Wakaalladda biyuhu ay ku sheegeen qaar tayadoodu aad u sarrayso.

Xafladda maanta ayaa la filayaa in madaxda u sarraysa qaranku ay ka qayb-galaan, kadib marka inta rasmiga ah Maansoor lagu sameeyo waxa sida la sheegay la isku raaci doonaa halka halka laga bilaabayo dhigista dhuumaha si ibo-furkooda goobjoog loogu noqdo.

Bandhige@gmail.com