Bill kadib halkay maraysaa dacwaddii sawirka ee IBS Bank?

Bill kadib halkay maraysaa dacwaddii sawirka ee IBS Bank?

Sidaan qoraalkaygii kan ka horreeyay ku xusay waxaan sheegay in aniga iyo IBS Bank aan sharciga ku kala bixi doono.

20/06/2023 Waxaan u gudbiyay warqad cabasho oo caddaymo ku lifaaqan yihiin Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska xafiiska Agaasimaha Guud si wax looga qabto xatooyada uu sawirka aan xuquuqdiisa leeyahay kula kacay Bangiga IBS Bank faraciisa Somaliland.

Waxa la gaadhsiiyay maamulka IBS Bank warqad yeedhmo kuna taariikhaysan 06/07/2023 [Ref: WG&D/XAG/00316/2023] si loo dhegaysto dooddooda in ay yimaadaan Xarunta WG&D 11/07/2023, balse may iman.

12/07/2023 waxaan xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka WG&D Maxamuud Sacad Saajin waxaan uga war bixiyay sawirka uu IBS Bank isticmaalay iyaga oo aan ogolaansho iga haysan, iyo in markii aan u tegay aan kala kulmay garawshiyo la’aan iyo afxumo.
Wasiirku wuxu amray in mar labaad loo yeedho maamulka Bangiga si dooddooda loo dhegaysto.

Dastuurka JSL Qodobkiisa 16aad wuxu tilmaamayaa xuquuqda Qoraalka, Hal-abuurka iyo Hindisaha oo dawladduna ay la garab taagan tahay dhiirigelin.
WG&D waxay samaysay Guddida Dacwadaha Halabuurka, Hindisaha iyo Sumadaha Ganacsiga, waan ku amaanayaa in Wasaaraddu hawl iska saartay dhiirigelinta hal-abuurka iyo Hindisaha sida sharcigu dhigayo.

Waxaan rejaynayaa in maamulka IBS Bank sharciga u hogaamsamo oo aanu iska dhego marin mar labaad.

Abdifatah Y. Barwaaqo Muwaadinkii Laga Dhacay Sawirka ayaa Qoraalkan Qorey