Boko Xaaraam oo baahisay sawirro  warshad hubka sameysa

Kooxda Boko Xaaraam ayaa baahisay sawirro muujinaya warshad samaysa gantaallada oo ku taala waqooyiga bari ee Nayjeeriya.

Dad badan ayaa isweydiinayey halka Kooxdani hubka ka keento, iyagoo aad u isticmaala qoriga RPG-ga baasuukaha, balse sawiradana ayaa muujinaya in ay leeyihin warshada hubka lagu sameeyo.

Sawirada waxa ay u muuqdaan in qaar ka mid ah xubnaha kooxda ay farsamo ahaan garanaayaa soo saaridda hubka.

Inkastoo kooxdani soo bandhigeen sawiradda warshad hubka samaysa oo ay hubkana samaynayaa rag afka-duuban, balse waxaan si toos ah loo garan karin wakhtiga sawiradan la qaaday.

Kooxda Boko Xaaraam ayaa waxa deegaano ay maamuli jireen ka qabsaday ciidamada dawladda ka dib markii ay weeraro isdaba-joog ah ka fuliyeen gobolka Borno.

Halkan hoose sawiradda Boko Xaaraam baahisay:

bok222

boko sawiro sawiro bokoo sasiro boko sawri boko

bandhige@gmail.com