Booko Xaaraam oo dad ku laysay maamul-goboleedka Borno saacado kadib dhaarintii Madaxweynaha

Dagaalyahannada Booko Xaaram ayaa dilay ugu yaraan 11 qof ka goor ay doonayeen in ay galaan magaalo u dhaw Maiduguri, maamul goboleed Borno ee wadan Nigeria, saacado yar ka dib dhaarintii madaxweynaha cusub ee Nayjeeriya Muxammadu Buhaari. Sidaa waxa Reuters u sheegay dad magaalada degganaa xubno ka tirsan amniga Nayjeeriya.

Dagaalkan oo ay kooxdu adeegsanayeen hubka gantaalaha tunka lagu qaato iyo rasaas, ayaa waxa kale lagu waramayaa in 10 qof dhawaaceen.

Boqolaal ka rag ah oo hubaysan ayaa la sheegay inay u gudbeen magaalada Ajilari-Cross, oo Koonfur ka xigta magaalada Maiduguri wakhti hore oo Sabtidii ah, hase ahaatee waxa kale eryay ciidamada militariga Nayjeeriya.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay saacado aan badnayn kadib markii xalay xaflad caleemo-saar iyo dhaarin isugu jirta madaxweynaha cusub ee Nayjeeriya  Muxammadu Buhaari loogu qabtay magaalo-madaxda Nayjeeriya, Abuja.

Doorashadii dhawaan ka dhacday Nayjeeriya ee lagu doortay Muxammadu Buhaari waxay ahayd tii ugu dimuqraadiyadda fiicnayd uguna nabdoonayd ee ka dhacda Nayjeeriya laga soo bilaabo markii dalkani xorriyaddiisa ka qaatay Ingiriiska sannadkii 1960kii. Sidoo kale waxay ahayd doorashadii kowaad ee xisbi macaarid ahi ku guulaysto.

Hoggaamiyaha cusub ee Nigeria intii uu ololaha doorashada ku jiray wuxu ballan qaaday in ay mudnaantiisa koowaad tahay burburinta dagaalyahannada Booko Xaaraam.

“Ma sheegan karno inaanu ka adkaanay Booko Xaaram ilaa aynu soo badbaadinayo gabdhihii Chibok” ayuu yidhi Madaxweyne Buhaari shalay oo Jimca ah.

Maamul-goboleedka Borno ayaa ah gobolka ugu  badan ee ay dagaalyahannadu weerarrada ka gaystaan, kuwaas oo sababay inay tobonaan kun oo qof ka qaxaan guryahooda boqollaal qofna siyaabo kala duwan u geeriyoodaan ama u dhaawacmaan.

Boko Haram waa koox xagjir ah, hubaysan oo la dagaallanta fikarada saamaynta leh ee reer galbeedka, sida marka la turjumo “Buugga Galbeedku Waa Xaaraan”.

Kooxdan mintidka ahi waxay hadda gacanta ku hayaan 200 oo gabdho ah oo ay ka afduubeen dugsi ay dhiganayeen sannadkii ina dhaafay, kuwaas oo badankooda la laayahay.

Qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro ay fuliyeen Booko Xaaram ayey ku dhinteen 13 000 oo qof, halka halmilyam iyo badh ay ku bara kaceen tan iyo 2009kii.

bandhige@gmail.com