Booko Xaaraam waxay baro-kicisay nus-malyuun carruur ah sannadkan oo kaliya

Sida ay tibaaxayso warbixin ay soo saartay hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaan UNICEF, sannadkan oo kaliya Booko Xaaraam dagaallada ay Nayjeeriya ka waddo waxa ka qaxay nus-malyuun carruur ah.

UNICEF waxay sheegtay in wadarta guud ee carruurta ah ee ka qaxday qulqulatooyinka ka dhashay dagaalka u dhaxeeye Booko Xaaraam iyo xukuumadda Nayjeeriya ay caga-cagaynayso milyan iyo laba boqol oo kun (1,200,000) oo carruur ah.

Deegaannada ay carruurtani ka qaxayaan iyo meelaha ay u qaxeen labadaba waxa ka jira duruufo aad u adag oo ay ka mid yihiin nafaqo-darro, daacuun iyo xannuuno kale oo carruurta faro ba’an ku haya.

Qoysaska carruurtooda la qaxayaa waxay tiradoodu kor u kacday kadib markii waddamo Galbeedka Afrika ka mid ah oo Nayjeeriya iyo Kamaruun ay hor kacayaan ay degaalo ku ekeeyeen goobihii ay Booko Xaaraam gacanta ku haysay qaar ka mid ah, iyagoo ka saaray deegaano istiraatiji ah.

Hase ahaatee Booko Xaaraam oo lagu yaqaan gacan aan naxariis lahayn ayaa taaktikadii dagaalka u beddeshay dagaal “ku dhufoo ka dhaqaaq” ah.

Dagaalyahannada Booko Xaaraam waxay weeraraan tuulooyin, waxay gubaan guryo, waxay laayaan dad, waxayna afduubaan ciddii ay doontaan, taas oo macnaheedu yahay in aanay rayid iyo milatari midna dhaafin. Waana sababta ugu weyn ee sababaysa masiibooyinka aadaminimo ee barakaca carruurtu ugu horreeyo sida ay tibaaxayso warbixinta UNICEF.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

bandhige@gmail.com