Booko Xaaraam waxay sii daysay 21 ka mid ah gabdhihii ay Nayjeeriya ku qafaasheen

 

Jabhadda mintidiinta ah ee Booko Xaaraam ee ka dagaalanta Waqooyiga Nayjeeriya ayaa sii daysay 21 ka mid ah 276 gabdhood oo ay magaalada Chibok ka qafaasheen bishii April 2014.

57 ka mid ahi gabdhihii la qafaashay  isla maalintii la afduubtayba way baxsadeen, gabadh kalena sannadkan ayay ka soo goosatay, intii kalese wali waxay ku jirtaa gacanta Booko Xaaraam.

Booko Xaaraam waxay sheegtay 40 ka mid ah gabadha  in loo guuriyey mujaahidiinta oo arrinkooda lagu kala tagay. Sidoo kale waxay sheegeen in tiro kale lagu dilay duqayn loo gaystay meel lagu hayey gabdhahaas.

Gabdhahan  ayaa goor saq dhexe ah laga afduubtay iskuul boodhin ah oo ku yaalay deegaanka Chibok ee Waqooyiga Nayjeeriya iyadoo ay da’doodu u dhaxaysay 16 ilaa 18 jir.

Sii-dayna 21-kan gabdhood ayaan warar dhammaystiran laga hayn, hase ahaatee wakaaladaha wararku waxay tibaaxayaan in ay ku timid wada-xaajood ay ka odayeeyeen Laanqayrta Cas iyo Dawladda Switzerland.

Lama garanayo wax la is weydaarsaday, laakiin wararku waxay tibaaxayaan in aanay jirin maxaabiis ka xidhnaa Booko Xaaraam oo la weydaarsaday gabadhahan.

Gabadh magaceeda la yidhaa Aamina Cali Nkeki oo dhawaan ka baxsatay kooxdan ayaa sheegtay in loo  dhisay mid ka mid ah dagaalyahannada Booko Xaaraam kaas oo ka dhalay ilmo yar markii dambe isla isagii ay Booko Xaaraam xidheen.

Af-duubka gabdhahan ayaa dunidu aad uga qaylisay iyadoo ay ka mid ahayd qodobadii uu doorashada ku waayey Madaxweyne Goodluck Johanattan.

Madaxweynaha hadda talada haya Muxamadu Buhaari ayaa wakhtigii uu ololaha ku jiray ballan qaaday in uu dedaal kasta gelin doono sidii hablahaasi ay ugu soo noqon lahaayeen gacanta waalidkooda.

Gabdhahan 21-ka ah ayaa hadda waxay ku jiraan gacanta maamulka gobolka Borno, waxana loo wareejinayaa magaalo-madaxda dalkaas ee Abuja sida wararku sheegayaan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

BANDHIGE NEWS