Booliska Hargeysa ayaa wiil dhallinyaro ah ku dhaawacay meel u dhaxaysa Daami iyo Sheekh Madar

Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa halw-gal ay Isniintii ku kala dareerinayeen koox dhallinyaro ah oo dagaal ku dhex marayay xaafadda Gacan-libaax, gaar ahaan goob u dhaxaysa xaafadaha Daami iyo Sheekh Madar, waxay u adeegsadeen rasaas, waxaana halkaas dhaawac ka soo gaadhay Axmed Saxariid Marojiid oo ay rasaastii boolisku madaxa ka cuskatay.

Dhallinyaradaas ayaa dagaalkoodu sababay in ay joogsadaan isku-socodka dadka iyo gaadiidka markii ay isku adeegsadeen dhagaxaan. Ciidamada booliska ayaa kala dhex galay kadibna waxay ku fureen rasaas ay ku kala kaxaynayeen.

Axmed Saxardiid Marojiid  ayaa ay rasaastu kaga dhacday madaxa isla markaana haatan dhaawiciisa lagu daweynayaa Cusbitaalka weyn ee Magaalada Hargeisa. Sidaas waxa noo xaqiijiyey Barkhad Jaamac Xirsi oo deggan xaafadda Daami ee Hargeysa kana tirsan madaxda xisbiga Waddani wuxuna sheegay in dhaawaca wiilkaas uu booqday.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in boolisku uu dhallinyaro badan taxaabay, kuwaas oo sida la sheegay lagu soo oogi doono in ay ka dambeeyeen ama ka qayb-qaateen rabshaddii shalay dhacday.

Mucaaridka Somaliland ayaa baryihii dambe si ba’an ugu dhalliilayey booliska in aanay lahayn tabobar ku filan oo ay rabshadaha ku dejin karaan iyaga oo aan dhaawac iyo dhimasho u gaysan dadka rayidka ah.

 

Dhalliisha mucaaridka ayaa timid kadib markii horraantii bishan ay boolisku dhaawac iyo dhimasho u gaysteen xubno ka tirsan qoyska Reer-Axmed Jabaan oo la rabay in laga raro guri ay degenaayeen oo ku yaal xaafadda Jigjiga yar.

Askari boolis ah oo ka hawlgala saldhigga Ibraahim Koodbuur ayaa isaguna todobaadkii hore rasaas ku furay wiil ku xidhnaa saldhigan kaas oo hurday wakhtigii ay rasaastu cuskatay halkaasna ku qudh-baxay.

Dad badan oo dadweynaha Hargeysa ka mid ah ayaa ka aragagaxay hab-dhaqankan cusub ee boolisku la soo baxay, waxana ilaa hadda warbaahina ka socota eedaha xukuumadda iyo booliska loo jeedinayo ee dhacdooyinka ku saabsan.

Bandhige@gmail.com