Booliska Caalamiga ahi wuxu FIFA ka xanibay 24.4 milyan oo Doollar

Booliska Caalamiga ee loo yaqaan “Interpol” ayaa xanibay lacago ay leedahay FIFA kadib markii ay soo baxeen eedaymo musuq-maasuq oo baadhistooda ay gacanta ku hayaan dawladaha Iswiisarlaand iyo Maraykanku.

Lacagta la xanibay waxay wadarteedu dhan tahay 20 Milyan oo Yuuro ah oo u dhiganta 22.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah.Juergen Stock, Xoghayaha Guud ee Interpol wuxu sheegay in ay xayirayaan lacagaha deeq ahaanta loo siiyey FIFA.

“Go’aankan xayiraadda lacagaha FIFA waxa aanu qaadanay markii aanu aragnay xaalladda ay wakhtigan FIFA ku sugan tahay” ayuu yidhi Juergen Stock.

Interpol toddobaadkii hore waxa ay soo saartay digniin ka dhan ah lix sarkaal oo ka mid ah madaxdii hore ee FIFA iyo afar ka mid ah kooxda hay’addan u qaabilsan suuq-gaynta kuwaas oo dacwadi kaga socoto Iswiisarlaand kadib markii Maraykanku ku eedeeyey musuq-maasuq. Lixdan sarkaal oo ka mid ah 14 sarkaal ee lagu doortay shirkii FIFA ee magaalad Munich.

Warqaddan digniinta ah, ayaa lala xidhiidhiyey 10 milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee FIFA Jack Warner lagu eedaynayo in uu ka qaatay Koonfur Afrika taas bedelkeedana ay FIFA ansixiyey koobkii adduunka ee Koonfur Afrika lagu qabtay 2010-kii.

Jack Warner
Madaxweyne-Xigeenkii hore ee FIFA, Jack Warner, dacwaddiisu waxay bilaabmaysaa 9-ka July

 

Warner wuxu dhalasho ahaan kasoo jeeda waddanka yar ee ku yaal badda Kareebiyaanka ee loo qayaan Trinidad iyo Tobago. Wuxu hadda ku joogaa dammiin dacwaddiisana waxa loo muddeeyey in ay bilaabanto 9-ka July 2015.

Si joogto ah ugala soco Bandhige wixii hadba ka soo kordha fadeexadda FIFA.

bandhige@gmail.com