Booliska Faransiiska oo raadinaya Saalax Abdeslam oo ay ka shakisan yihiin

Weerarradii ka dhacay Faransiis horaantii tobaadkan ayaa waxay baadi-goobay qaar ka tirsan kooxihii soo abaabulay weeraradaas.

Weeraradan ayaa waxa ku dhintay 129 qof, tiro kalena ku dhaawacmeen.

Saalax Abdeslam oo 26 jir ah kuna dhashay Brussels oo boolisku aad uga shakisan yihiin in uu ka dambeeyey weeraradaas, sidoo kalena waxay boolisku sheegeen in ay joojiyeen ninka markii weerarku dhacay balse ay sii daayeen markii dambe.

Iyadoo uu booliska Faransiisku wado baadhitaan lagu baadi-goobayo cidii ka dambeysay weeraradaas, ayaa waxay diyaaradaha dagaalka Faransiisku bilaabeen duqeyn xoogan oo dhinaca cirka oo ay gaysanayaan guddaha Suuriya gaar ahaan meelaha fadhiisamada u ah kooxda Daacish

Weerarada Faransiiska ayaa waxay maalmihii u dambeeyey hadal-hayntooda hadheeyeen warbaahinta dunidda.

bandhige@gmail.com