Booliska Gaarisa oo qabtay hub iyo rag

Lix nin oo u dhashay Tansaaniya oo looga shakisan yahay inay ku sii socdeen dhinaca Soomaaliya lagu qabtay hub Gaarisa.

laba baaskooladood iyo todoba qori ayaa lagu qabtay iyagoo sita.

Maxamuud Saalax oo ah madaxa ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in ragga la qabtay ay da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 40 jir. Sidoo kale waxa uu sheegay in lagu qabtay Dhadhaab iyagoo markaa qorshaynayey in u gudbaan dhinaca Soomaaliya.

Waxa uu sidoo hadalkii ku daray in la xidhay laba todobaad ka hor laba haween oo midi u dhalatay Kiiniya, ta kalena u dhalatay Tansaaniya kuwaas oo looga shakisanaa in ay u socdeen dhinaca Soomaaliya gaar ahaan ururka Al-shabaab.

Maxamuud Saalax oo ka hadlayey saxaafada ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaanu xidhnay lix nin oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo sitay laba baaskalood, labaatan rasaas ah iyo 15 majaladood oo ka soo baxa Gaarisa, sidoo kale waxaanu ku daba jirnaa kuwa kale.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Boolisku waxay wali raad gurayaan kuwo kale oo hoggaamiyey kooxdan kuwaas oo isku qarinaya Gaarisa.”

Ururka Al-shabaab ayaa weeraro ka fuliyey gudaha Kiiniy kuwaas oo sababay dhimasho iyo khasaare dhaawac iyo mid ganansiba leh.

Dawladda kiiniya ayaa walaacweyn ka muujisay xaaladaha ururka Al-shabaab adeegsanayo muddooyinkii u danbeeyey oo ay sheegeen inay imika dhallinyaradda ka qortaan dugsiyada, halka markii ay ka qoran jireen masaajidada.

bandhige@gmail.com